|

Golaha Guurtida Somaliland oo Ka Hadlay Wada hadal inay La Gelayaan Xukuumadda iyo Xisbiyadda

Hargeysa:Jully,23,2015(SDN/QJ)–Golaha guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay Qadiyada Is mari waaga ah ee ka dhalatay Mudo Kordhintii uu Golahoodu u sameeyay Madaxweynaha iyo Golaha Wakiiladda.
indho indhoAfhayeenka golaha guurtida Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho ayaa sheegay inaanay aqbalayn wax wada hadal ah oo ay la galayaan xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka isla markaan ka noqosho lahayn go’aankii muddo kordhinta ee ay dhawaan golaha guurtida Somaliland soo saareen, Waxayna ku sii adkaysteen go’aankii muddo kordhinta guurtida ee ahaa in dalka doorasho ka dhacdo bisha March,.

“Wax wada hadal ah oo aanu arrinkaas xukumadda iyo xisbiyada midna kala galaynaa ma jiro. Waa go’aan sharciyadeed, haddii madaxweynuhu dood ka qabana ha geeyo Maxakamadda sare, waxaanu ka bixin doonaa fasiraade. Golaha wakiilladuna hadday dood ka qabaan ha fadhiisteen oo go’aan ha soo saareen oo maxakamadda ha geeyeen laakiin, dad shicib ah go’aankayaga  khilaaf ku sheegi maayaan tanaasulna kala gali mayno. Anagu xisbiyo umaanu kordhin, madalna umaanu kordhin dad shicib ah oo suuqa joogana umaanu kordhin, Madaxweynaha iyo Wakiilladuna xaq bay u leeyihiin inay ka dacwoodaan go’aankayaga” ayuu yidhi Indho-indho.

 

Comments are closed