General Fartaag oo ka hadlay qabashada Degmada Baardheere iyo dilka Maxamed Dheere
Kismaayo,23july,2015(QJ/SDN)-Madaxweyne Ku Xigeenka 1-aad Ee Maamulka Jubbaland, General C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay inay ku mahdinayan qabsashada Degmada Baardheere, ka dib muddo sanado ah, oo Shabaabku ay ka arriminayen.
Madaxweyne Ku Xigeenka, ayaa bulshada reer Jubbaland, gaar ahaan dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ugu yeeray inay soo dhaweeyan guusha ka dhalatay qabashada Degmada Baardheere, isla-markaana ay u bannaan baxaan.
General C/laahi Sheekh Ismaaciil, ayaa Degmada Baardheere ku sheegay mid istiraatiiji u ahayd Ururka Al Shabaab, gacantana ay ku hayeen muddo toddobo sano ah, sida uu yiri.
Isagoo la hadlaayay bogga ku hadla afka Jubbaland, ayuu tilmaamay inay wadaan diyaargarow ay kula wareegayan dhulka uu ku magacaaban yahay Maamulka Jubbaland, balse ay xilligan ku sugan yihiin Ururka Al Shabaab.
General Fartaag waxa uu soo hadalqaaday nin lagu magacaabo Maxamed Dheere, oo Shabaabku ay maanta ku dileen xaafada Kurmaan ee Degmada Baardheere, kaasoo sida uu sheegay ka tirsanaa Saraakiishii hore ee Dowladdii Dhexe Somaliya.
Fartaag, ayaa Shabaabka ku eedeeyay inay Maxamed Dheere u dileen isagoo ka tirsanaan jiray Saraakiishii Militariga Somaliya, wuxuuna wax daran ku sheegay mintidiinta laga saaray Baardheere.
Ururka Al Shabaab, ayaa gacan ku haynta Degmada Baardheere la wareegay daba-qaada sanadkii 2007-dii, iyagoona ku sugnaa Degmada wixii xilligaa ka dambeeyay.
Halkan Ka Daawo/Dhagayso: