Suxufiyiinta Magaalada Kismaayo Oo Tababar Loo Furay-DAAWO SAWIRADA
Kismaayo,23july,2015(QJ/SDN)-Ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliya, ururka suxufiyiinta madaxa bannaan ee Jubbaland iyo hay’adda qaramada Midoobay ee caawinta Soomaaliya (UNSOM) oo iskaashanaya ayaa maanta tababar la xidhiidha howlah saxaafadda u furay wariyeyaasha ku dhaqan degmada Kismaayo.
Tababarkan oo socon doona mudo laba maalmood ah ayaa waxaa lagu baran doonaa arimo ku saabsan sida wariyuhu u ilaalin karo ammaankiisa, sida loo tabiyo wararka ku saabsan Barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal), kasoo waramidda goobaha ay colaadaha ka jiraan iyo sida looga warbixiyo dowlad goboleedyada dhismaya ee dalka.
Munaasibaddii furitaanka tababarka oo ka dhacday xarunta Atlantean ee ku taal garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo islamarkaana ay kasoo qeybgaleen madax ay kamid yihiin wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaadhsiinta Jubbaland Mudane Cabdinuur Cali Aadan, madaxa xafiiska UNSOM ee Kismaayo Mr. Benjamin, xoghayaha ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Mudane Max’ed Ibraahim Bakistaan iyo madaxda ururka suxufiyiinta madaxa bannaan ee JIJA ayaa waxaa goobta laga jeediyay khudbado kala duwan oo ku saabsanaa tababarka.
Xoghayaha ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Max’ed Ibraahim Bakistaan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in tababarka ay maanta u furayaan saxafiyiinta Kismaayo uu yahay mid la doonayo in lagu tayeeyo aqoonta saxaafadda Jubbaland, isagoo sheegay in ay tahay markii ugu horeeysay oo ururka NUSOJ uu tababar ku qabto Kismaayo, wuxuuna mahadcelin u jeediyay madaxda ururka suxufiyiinta Jubbaland ee JIJA.
Madaxa xafiiska UNSOM ee Kismaayo Mr. Benjemin oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in markii ugu horeeysay uu la kulmo wariyeyaasha ka howlgala degmada Kismaayo, isagoo sheegay in tababarka ay u qabteen saxaafadda gobolka uu yahay mid la doonayo in lagu dhiso aqoonta wariyeyaasha.
Madaxda ururka JIJA oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa so dhaweeyay tababarkan ay iska kaashanayaa ururrada NUSOJ iyo JIJA islmarkaana uu suurtogeliyay xafiiska UNSOM ee Kismaayo.
Madaxda ururka JIJA ayaa sidoo eedeyn u jeediyay xafiiska UNSOM ee Kismaayo, kaasoo ay sheegeen in uusan jirin habayaraatee wax wada shaqeyn ah oo uu la leeyahay saxaafadda gobolka.
Waa markii ugu horeeysay oo ay wariyeyaasha ka howlgala degmada Kismaayo ay helaan tababar saxaafadeed oo lagu tayeynayo aqoontooda dhanka warbaahinta.