Shirkii Dood-qaran ee sanadkii 2006, muxuu kaga duwan yahay kan maanta ay diidan yihiin Xukuumadu, bal DAAWO Dooda wakhtigaas ee Siilaanyo iyo diidmada maanta DAAWO.
Hargaysa 22.July 2015 (SDN/QJ)- Ismaandhaaf Xadhkaha Goostay ayaa Maanta ka dhex oogan Xukuumada Somaliland ee uu Gadh wadeenka ka Yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Iyo Xisbiyada Mucaaridka ah taas oo ka soo bilaabantay Mudo kordhintii ay Golaha Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo Golaha Wakiiladda, Ilaa iminka waxaan fulin Heshiiskii Khilaafka Siyaasadeed lagu soo afjaray,kaas oo la aaminsan yahay inuu dhanka dawlada ka socon la’yahay.
Iyadoo ay Sidaas tahay ayaa ayaa is bahaysiga Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Madasha Wada tashigu waxay shalay ku dhawaaqeen Shir weyne Talo qaran ah oo lagaga arrinsanayo dhamaadka Mudo Xileedka Xukuumadda iyo Qabsoomid la’aanta Doorashooyinka,taas badalkeeda waxay dawladu mamnuucday Isu imaatinka beri loo balansan yahay oo ay ku sifaysay xaalad abuur iyo qas.
Qadiyada noocan oo kale ahi kuma Cusba Somaliland waxay soo martay 9 Sanno ka hor , Sannadkii 2006 ayaa shir ay isugu yimaadeen mucaaridkii markaas (UCID iyo Kulmiye) iyo qaybahii bulshadu lagu qabtay Hotelkii hore loo odhan jiray Obama haddana loo yaqaan Fish and Steak.
Shirkaas oo laba maalmood socday waxa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Hadda oo markaas ahaa Guddoomiyihii Kulmiye oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirka sidoo kale waxa khudbado ka jeediyey Eng. Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha UCID iyo Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cirro iyo badiba masuuliyiintii shirka kasoo qaybgalay.
Xukuumaddii Riyaale ee wakhtigaasi iskumay mashquulin shirka waxanay u arkayeen inuu yahay xaq aasaasi ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta iyo Xisbiyada Qarankuba, waliba waxay u diyaariyeen shirkaas ciidankii sugi lahaa ammaankiisa.
Haddaba Madaxweynaha iyo badiba masuuliyiinta Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye waxay si fiican uga dharagsan yihiin taariikhdii shalay iyadoo taasi ay caddayn u tahay inaanu shirku ka duwanayn kii shalay kuna qotomo xuquuqda aasaasiga ah ee Xisbiyada iyo muwaadiniintaba.
Waxay is weydiintu tahay Wixii shalay Xalaasha ahaa Maxaa Maanta Xaaraan ka dhigay Halkan Ka DAAWO WARBIXIN CAJIIB AH?
Hargaysa SDN/QJ