|

Turkiga Oo Muddo afar cisho ah Gudahood ay ka dhaceen shilal ay ku Geeriyoodeen 74 ruux.

Ankara,21july,2015(QJ/SDN)-Tan iyo Maalintii ay billaabatay Ciidul-fidriga illaa shalay oo ay ahayd 20-ka bishan July ayaa Waxaa shilal gaadiid oo Turkiga ka dhacay ku dhintay 74-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 446-qof oo kale, sida Baahisay Warbaahinta Turkiga Salaasada Maanta ah.

 

Warbaahinta ayaa sheegay in 100 shil ay ka dhaceen guud ahaan Turkiga intii uu dhexeysa 17-kii illaa 20-kii bishan July, kuwaasoo noqonaya shilalkii muddo kooban ka dhaca dalka Turkiga sannadihii u dambeeyay.

 

Sidoo kale, Warbixinnada Wargeysyada Turkiga ayaa lagu Xusay in Shilalkan ay ka kala dhaceen magaalooyin ay ka jiraan Ankara oo ah xarunta Turkiga iyo Magaalada Istanbuul oo ay magaalada ugu weyn ee ganacsiga dalkaas.

 

Magaalada Karacaoğlan ee Gobolka Adiyaman ayaa la Sheegay in Shil ka dhacay ay 11-qof ku dhaawacmeen, kuwaasoo ay ku jireen lix carruur ah, kaddib markii wadihii Taksi u ijaarnaa uu lumiyay koontaroolka gaarigiisa uuna ku dhacay boor Waddada dhinaceeda ku yaalla.

 

Dadkan faraha badan ee dhimashada iyo dhaawucu ka dhasheen ayaa ku jira dad ajaanib ah, iyadoo la sheegay in 10-qof oo Ciraaqiyiin ah ay dhaawacyo ka soo gaareen shil ka dhacay Gobolka Mardin oo ku yaalla Koonfur-bari Turkiga; kaddib markii gaarigii ay la socdeen uu ku dhacay gaari kale oo weyn.

 

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Ganacstada iyo Farsamada ee Turkiga, Bendevi Palandöken ayaa sheegay in Cel-celis ahaan ay 12-ruux ay shilal gaadiid Natooda ku waayeen maalmahan kooban.

 

“Inkastoo taxadar badan la sameeyay haddana way kordheen tirada shilalka ka dhaca 50%, waxaana sabab u ah in darawalladu ay si xowli ah gaadiidkooda u kexeeyaan iyo arrimo oo dhanka socodka gaadiidka ah,” ayuu yiri Palandöken.

 

Ugu dambeyn, dalka Turkiga oo ka mid ah dalalka Islaamka ayaa Maalintii Jimcaha ahayd ee lasoo dhaafay waxaa u billaabatay Maalinta Ciidul-fidriga, markii ay dhamaatay Bishii Barakeysnayd Ramadaanka.

 

 

Comments are closed