Gudiyada Xuduudaha & Doorshooyinka Qaranka oo Maanta lagu Hor-dhaariyay Baarlamaanka
Muqdisho,21july,20115(QJ/SDN)_Shirkii Baarlamaanka Federaalka Somalia uu maanta ku yeeshay Muqdisho ayaa lagu Dhaariyay Gudiyada Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka iyo Doorashooyinka Qaranka oo dhawaan uu baarlamaanku meel-mariyay.
Dhaarinta kaddib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay habdhowraha baarlamaanka Somalia, Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo sheegay in kulankii Baarlamaanka ee maanta lagu dhaariyay labada guddi ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha iyo Federaalka.
“Kulankii Maanta Wuxuu ahaa in lagu Hor-dhaariyo dhaariyo Labada Guddi ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha iyo Federaalka, Waana la dhaariyay haddana waa labo guddi oo u diyaarsan inay qabtaan howsha laga sugayo,” ayuu yiri Cumar u sheegay Wabaahinta.
Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa xusay in Kulanka Baarlamaanka uu Shir -guddoominayay Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isla markana waxaa kulanka looga hadlay Waxqabadka Baarlamaanka Soomaaliya Muddadii Sanadaha ahayd ee uu jiray.
Ugu dambeyn, Guddiyadan Mmadaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka ayaa Waxay ka kooban yihiin min 9-xubnood oo ay soo xushay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Guddiyadan ayaa waxaa kasoo Hor-jeestay Maamulka Puntland oo ku tilmaantay inaan lagu dhisin hab-waafaqsan Dastuurka KMG-ka ah ee Somalia u yaalla, waxayna sheegtay inay ka fiirsan doono.