Ciidamada AMISOM Oo Xasuuq Ba’an Ka Geystay Magaalada Marka.
Marka,21july,2015(QJ/SDN)-Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay xasuuq ba’an ka geysteen gudaha magaaladaasi.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay tobaneeyo shacab ah isugu keeneen barxadda wayn ee xaafadda Beytu Raas kadibna halkaasi ay ku toogteen.
Dhimashada ayaa sii caga cagaynaysa toboneeyo qof halka dhaawacu uu kontameeyo qof ka badanyahay.
Dowladda soomaaliya ayaan ilaa hadda ka hadlin xasuuqa ka dhacay degmadda marka, lamana oga sasabta xasuuqa shacabka ee ciidamada AMISOM gaysanayaan .
wixii warar ah ee kasoo kordha isha ku hay shabakadda QJ/SDN