Cabdiraxmaan Faroole Oo Ka Dareen Celiyey Booqashadiisa Hargeysa Iyo Xusuustiisii Waayo-waayo
Hargeysa:Jully,21,2015(SDN/QJ)-Madaxweynihii hore ee Maamul-goboleedka Puntland Md Cabdiraxmaan Faroore oo booqasho aan ujeeddadeedu caddayn ku jooga Magaalada Hargeysa, ayaa ka dareen celiyey aragtidiisa la xidhiidha Safarkiisa.
Mudane Faroole oo ay Hargeysa kusoo dhaweeyeen madax-dhaqameedm, Saaxiibbo iyo xubno kale ay xidid dhaw yihiin, ayaa qoraal kooban oo uu face-book-giisa soo dhigay ku sheegay inay Caasimadda Hargeysa tahay magaaladiisii, isla-markaana aragtideedu maskaxdiisa ku abuurtay xusuus waayo hore ah.
Cabdiraxmaan Farooel, ayaa qoraalka kooban ee uu Muuqaalka Hargeysa ku qaabishay kaga falcliyey waxa uu u dhignaa sidatan:
“Waxaan Booqday Hargaysa, Waxaa iigu Danbaysay Waqti Hore ,Haragysa Waa magaaladaydii……..”
Qoraalka Madaxweynaha Hore ee Maamulka Puntland ku cabbiray Magaalada Hargeysa ayaa ladha dhex dheehan karaa jiritaanka Boholyow xeel-dheer oo uu caasimadda u qaaday, maadaama oo uu kamid ahaan jirey Dadkii hore u soo dhadhamiyey noloshii hore ee Hargeysa oo dad badani majiirtaan.
SDN/QJ