Isbahaysiga Mucaaridka Somaliland Oo Iclaamiyey Shirweyne Qaran Oo Ajandihiisa iyo Ergooyinka Ka Qaybgelayaba La Isla Meel Dhigay
Hargeysa:Jully,21,2015(SDN/QJ)-Kadib shirar isdaba joog ah oo ay Saddexda Xisbi-qaran ee Somaliland iyo Madasha wada-tashiga iyo toosinku ku lahaayeen Magaalada Hargteysa, ayey maanta shaaciyeen inay laba maalmood kadib qaban doonaan shirweyne qaran oo xaaladda dalka lagaga tashan doono, maadaama muddo-xileedkii madaxweynuhu dhawaan idlaanayso.
Musharax xigeenka Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, oo saxaafadda la hadlay kadib kulan dhex maray Ucid, Waddani iyo Madasha wadatashigu waxa uu sheegay in la ila afgartay Shir “Shirka maanta la iskugu yimid waxaa ka soo baxay in la qabto Shirka wadatashiga Mucaaradka oo ah, oo aanu u aragno shir qaran maadaama aanu nahay xisbiyada qaranka. Waxaa la isla gartay tirada ergooyinka shirka iyo tirada shirgudoonka shirka iyo waliba ajandaha shirka” ayuu yidhi Mudane Cabdirashiid.
Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sii sharaxay nuxurka shirkaasi “Nuxurka Shirka, shirku wuxuu qabsoomi doonaa 23-ka,25-ka iyo 26-ka bishan todobaad ee aynu ku jiro, 2015. Maadaama xukumaddu ku fashilantay qabashada doorasho aan dhaafin wakkhtigii dastuurku u cayimay ee ku ee kayd 26,June,2015, maadaama xukumaddu ka baxday heshiiskii laga gaadhay wakhtiga doorashada, maadaama muddo xileedkii dastuurku siiyay xukumaddu dhammaanayo 27,July,2015, maadaama ay lagama maarmaan tahay in qarankani ku dhaco mugdi hogaamin la’aaneed, waxay lagama maarmaan u arkeen asxaabta qaranku inay iskugu yimaadaan shirka ay kaga tashanayaan badbaadinta dimuquraadiyadda iyo badbaadada qaranka Somaliland”.
Xukuumadda ayaa laga filayaa inay ka falceliso tallaabada ay mucaaridku qaadeen, iyadoo aan wali wax heshiis ah laga gaadhin muran ka dhashay taabo gelinta heshiiskii xukuumaddu la gashay Axsaabta qaranka, kaas oo nuxurkiisu ahaa in muddo-kordhinta madaxweynaha lasoo gaabiyo.
SDN/QJ