|

Mudanayaal Katirsan Kongareska Maraykanka Oo Madaxweyne Obama Ka Dalbaday Inuu Somalia u Magacaabo Danjire

Washington:Jullu,21,2015(SDN/QJ)-Mudanayaal kasoo kala jeeda Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga waddanka Maraykanka, ayaa Madaxweyne Obama u qoray Qoraalo ay  kaga codsadeen in uu sida ugumacquulsan u magacaabo Danjiraha cusub ee Maraykanka uga wakiilka noqonayo dalka Somalia.

bemoMudaanayaashaasi oo bishan July 17-dii qoray Codsigaasi ayaa waxay ku muujiyeen sida loogu baahan yahay in la magacaabo Danjire cusub si taageero loogu geysto dhismaha Somali xooggan oo aad nabad u ah.

Waxay hoosta ka xarriiqeen inay Somalia haatan marayso xilli khatar ah loona baahan yahay in la siiyo taageero micno leh, waxayna ku booriyeen Madaxweyne Obama inuu muddo Toddobaadyo gudaheeda ku soo magacaabo Danjiraha cusub ee Maraykanka uga wakiilka noqon doona dalka Somalia.

Waxay kaloo qoraalkooda ku muujiyeen inaanay jirin Danjire Maraykan ah oo ka hawlgalay Somalia tan iyo burburkii Dowladnimadda Somalia ee bilowgii sannadkii 1991-kii.

Qoraalkooda waxay kaloo ku xuseen in doorashaddii Madaxweynaha Somalia iyo Barlamaanka Federalka ee sannadkii 2012-kii iyo Ansixintii Dastuurka ay horseeday Dib-u-dhiska Dowladda Dhexe ee Somalia.

Mudanayaasha Maraykanka waxay kaloo qoraalkooda kaga hadleen dhibaatadda ka dhalatay Adeegyadda Xawaaladaha Somalia ee Maraykanka iyo Kenya oo la xidhay, waxayna sheegeen inay taasi saamayn xooggan ku yeelatay Qurbo-joogta Soomaalida ee doonaaysa inay Lacago u xawilaan gudaha Somalia.

Mudanayaasha ku saxeexnaa Qoraalkaasi loo diray Madaxweyne Obama ayaa kala ahaa Keith Ellison oo ah Mudanaha keliya ee Muslimka ah ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka, Tom Emmer, Adam Smith, Senotor Amy Klobuchar, Al Franken, Sherod Brown, Erik Paulsen, Stephen Lynch iyo Jim McDermott oo dhamaantooda ka kala tirsan Xisbiyadda Dimquaraadiga iyo Jamhuuriga ee dalka Maraykanka.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasiasporanews.com

 

Comments are closed