Sarkaalkii Labaad Ee Ugu Sarreeyey Ciidanka Nabadsugidda Dhinaca Hawlgallada Oo Muqdisho Lagu Toogtay
Muqdisho:Jully,21,2015(SDN/QJ)-Sarkaalkii labaad ee ugu sarreeyey Ciidamada Nabad-sugidda Somalia ee dhinaca Hawlgallada Md Cabdiqaadir Xasan Geelle, ayaa lagu lagu toogtay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Dilka Taliye ku xigeenkii howlgalada ciidanka Nabad Suggida Geelle, ayaa waxaa ka dambeeyay ciidan ka tirsan Dowladda Somalia, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin ciidankaasi qaybta ay Dowladda ka tirsan balse, waxaa la sheegay inuu muran iyo Isfahan waa soo kala dhexgalay.
Wararka ayaa sheegaya in Cabdiqaadir Xasan Geelle, dilkiisa uu ka dhacay Degmada Hodan, gaar ahaan nawaaxiga Isbitaalka Deva ee Turkiga ay ku shaqeeyaan.
Taliye Geelle, ayaa la sheegayaa in dilkiisa uu xalay dhacay, ciidankii ka dambeeyay dilkiisa ayaa gacanta lagu dhigay oo baaris ayaa ku socota.
Cabdiqaadir Xasan Geelle oo ahaa nin dhalinyaro ah, ayaa wuxuu howlkar ka dhexmuuqday Hay’adda Nabad Suggida, hada wuxuu hayey xilka Taliye ku xigeenka howlgalada ciidanka Nabad Suggida.
Ciidamada Dowladda ayaa xilliyada qaar waxaa soo kala dhex-gala Isfahan waa iyo murano sababa inay israsaaseeyaan, taasi oo ugu dambeyn sababta geerida qaar ciidanka ka tirsan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasiasporanews.com