Dowladda Kenya Oo Ciidamo U diraysa Xuduud Biyeedka Uu Muranku Kala Dhexeeyo Soomaaliya.
Nairobi,21,2015(QJ/SDN)-Gudiga golaha qaranka ee difaaca iyo xidhiidhka dibada Kenya ayaa kula taliyay dowlada Kenya inay ciidamo difaac ah udirto biyaha badda Kenya iyo dhul badeedka Kenya damacsan tahay inay qaadato ee ka tirsan xeebaha Soomaaliya.
Gudoomiyaha gudigaasi Ndung’u Gethenji ayaa sheegay in dowlada Kenya ay si aad ah u difaaci doonto biyo badeedkeeda iyo biyaha murunka ka taagan yahay ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo dowlada Kenya.
Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay sheeganeyso biyahaasi, isagoo dalka Soomaaliya ku tilmaamay goob hoy u ah Alshabaab, laakiin ciidamadooda difaaci doonaan biyahaasi, sida uu hadalka u dhigay.
“Tallaabada Soomaaliya ugu dhaqaaqday lahaanshaha biyaha waa aragti xun, khaasatan xiligan oo Alshabaab ay ku kordhinayaan Kenya weerarada”ayuu yidhi Mr Gethenji gudoomiyaha gudiga golaha difaaca iyo xidhiidhka dibada Kenya.
Sidoo kale wuxuu si cad u sheegay in dhul badeedka lagu murunsan yahay uu yahay mid ay leedahay dowlada Kenya.
“Dhulka murunka ka taagan yahay waa dhul Kenya leedahaya, waxaana loo daabulayaa ciidamada Kenya gobolkaasi si ay u xaqiijiyaan baddeena ayna u difaacaan”ayuu yidhi masuulkaasi u hadlay dowlada Kenya.
Todobaadkii lasoo dhaafay dowlada Soomaaliya ayaa warqado cadeyn u ah in dhulka lagu murunsan yahay ay leedahay dowlada Soomaaliya u gudbisay maxkamada Hague.