Qarax Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Dalka Turkiga- Daawo Sawirada
Suruc,20july,2015(QJ/SDN)- Qarax Xoogan oo dad badan ku dhinteen ayaa goordhaw ka dhacay Magaalada Suruc oo kutaala xaduuda uu dalka Turkiga la wadaago dalka Siiriya gaar ahaan Magaalada Kobani.
Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay beer lagu nasto oo ku dhax taala xarun dhaqanka lagu soo bandhigo oo kutaala Magaalada Suruc oo ku dhaw Xadka uu Turkiga la wadaago Dalka Siiriya.
Ugu yaraan 29-qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 100-qof oo kale kuwaa oo loola cararay goobaha caafimaadka, waxaana xarunta uu qaraxu ka dhacay buux dhaafiyay Ciidamada amaanka Dalka Turkiga.
Ma jiro wali cid sheegatay Masuuliyada qaraxa ka dhacay Dalka Turkiga ,Magaalada Suruc uu weerarka uu ka dhacay waxaa xeryo kuyaala kunool in ka badan 20-kun oo qof oo kasoo barakacay Colaada ka aloosan dalka Siiriya.