|

‘’Taageerada UK Waxay Muhiim u tahay dib u soo kabashada Soomaaliya’’ Xassan Sheekh

Xasan_Danjiraha_Britain_Somalia (1) Muqdisho,20july,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada kaga Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Safiirka cusub ee Boqortooyada UK Wakiilka uga noqon doonta Somalia Harriet Mathews.

 

Xasan Sheekh ayaa ugu horreyntii ka Mahad-celiyay Taageerada mar walba ay Britain la garab-taagan tahay Soomaaliya oo uu sheegay inay muhiim u tahay dib u soo kabashada Soomaaliya.

 

“Aad baan uga Mahad-celineynaa Boqortooyada UK iyo Ra’iisul Wasaarahooda, David Cameron oo dadaal dheer u galay sidii indhaha Beesha Baalamka uu ugu soo jeedin lahaa Soomaaliya. Dhab ahaantii waqtigaasi kadib Soomaaliya horumar la taaban karo ayay ku tallaabsatay,’’ ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa Safiiradda cusub ee UK uga Warramay Xaaladda guud ee dalka, dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, isagoo intaa ku daray inay Soomaaliya weli u baahan tahay Kaalmada Beesha Caalamka si loo Dhameystiro Hawsha ballaaran ee dib u dhiska Soomaaliya.

 Xasan_Danjiraha_Britain_Somalia (2)

Danjiraha UK ee Somalia, Harriet Mathews oo iyana hadashay ayaa Madaxweynaha iyo Dowladda Soomaaliya ku ammaantey horumarka muuqda ee laga sameeyay barnaamijka dhaqangelinta nidaamka Federaalka, iyo dardar-gelinta hawlaha la xidhiidha Hiigsiga 2016-ka.

 

Waxay safiiraddu intaa ku dartay in Ra’iisul Wasaare Cameron ay ka go’an tahay in lasii wado taageerada loo fidinayo Somalia , isla markaana ay UK Waddanka kala shaqeyn doonto dhinacyada Gargaarka Bani’aadamnimo, Amniga, Siyaasadda, Horumarinta iyo Dhaqaalaha.

Xasan_Danjiraha_Britain_Somalia (3)

Ugu dambeyn, Ms. Mathews ayaa sheegtay in bilaha soo socda ay magaalada New York ku kulmi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW David Cameron, kulankaasoo ay kaga wadahadli doonaan xoojinta iskaashiga labada dal

Comments are closed