Dagaal qadhaadh oo xilligan ka soconaayo duleedka Degmada Baardheere
Baardheere,20july,2015(QJ/SDN)-Dagaal culus, ayaa waxa uu xilligan ka soconayaa Deegaanka Juungal oo qiyaastii 30km u jirta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo. Dagaalka wuxuu ka dambeeyay markii Ciidamada Huwanta ay ka soo dhaqaaaqen dhinaca Deegaanka Garas-dulan, kuna hawlanaayen qabsashada Deegaanka Juungal.
Ciidamadan Huwanta, ayaa toddobaadkii hore ka soo dhaqaaqay Deegaanka Faa-faax-dhuun, oo 80km u jirta Degmada Baardheere. Dagaalka maanta ka soconaayo duleedka Degmadaasi, ayaa ku bilowday madaafiicda goobta, oo ay adeegsanayan Ciidamada Huwanta.
Madaafiicda, ayaa waxaa barbar-socda dagaal qaraar oo halkaasi ku dhex maraaya Ciidamada Isbaheysiga iyo Ururka Al Shabaab, waxaana dagaalka maanta lagu macneeyay midkii ugu xooganaa oo labada dhinac, ay isaga horyimaadan aaggaasi.
Ilo wareedyo, ayaa sheegaaya Ciidamada Huwanta inay ku adag tahay, sidii ay kaga gudbi lahaayen daafacyo dhirarsan oo la soo sheegaayo in Deegaanka Juungal ay ka sameysteen dagaal-yahanada Al Shabaab.
Juqraafi ahaan marka laga hadlaayo Juungal, waa dhul buuraley ah, isla-markaana leh togag waaweyn. Waxaana adag sidii looga gudbi lahaa kolka ay dhinacyo hubeysani isu uruursadaan.
Jugta hubka cul culus, ayaa waxaa laga maqlayaa afaafka hore ee Degmada Baardheere. Inta badan shacabkii ku dhaqnaa Degmada Baardheere iyo goobaha kale ee hoos-tagga, ayaa maalmo ka hor isaga barakacay.
Dhinaca kale Ciidamadii Huwanta ee ka soo dhaqaaqay Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, ayaa waxay xalay ku hoydeen Deegaanka Xasanow Muumin, halkaasoo gelinkii dambe ee shalay lagu gubay mid ka mid ah gaadiidka booyadaha Amisom.
Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah Amisom, ayaa hal nin ku dhex dilay Beerta Xasanow Muumin loo yaqaano, xilli ninkaasi la sheegay inuu ilaalo ka haayay beertaasi, lama garanaayo waxa dhabta ah ee loo dilay, marka laga soo taggo tuhun uun.
Ciidamadan, ayaa waxay iminka ku dhow yihiin Deegaanka Ceel Cilaan, oo qiyaastii 48km u jirta Degmada Baardheere. Waxayna qayb ka yihiin Ciidamada Militariga loogu tala-galay inay qabtaan Baardheere.