|

Isu Soo Bax Ballaadhan Oo Madaxweyne Obama Ku Qaban Doono Nairobi Iyo Tirada Dadka La Filayo Inuu La Hadli Doono

Nairobi:Jully,20,2015(SDN/QJ)-Guriga looga taliyo Waddanak Maraykanka, ayaa ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Obama uu isu soo bax ballaadhan ku qaban doono Magaalada Nariobi oo la filayo inuu dhawaan Booqasho ku tegi doono.

siyasKulanka Obama uu shacabka khudbadda ugu jeedin doono ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan in ka badan 300,000 oo qof.

Arintaan ayaa waxaa xaqiijiyay af hayeenka madaxweynaha Manoah Isipisu.

Dhanka kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu shaaca ka qaado ajandayaasha dowlada u qorsheysan inta uu wadanka Booqashada ku joogayo madaxweynaha dalka Mareykanka Barck Obama.

Af hayeenka madaxweynaha Manoah Isbisu ayaa sheegay warbaahinta u sharraxay arimaha ay labada madaxweyne sameyn doonaan inta uu Obama dalka ku suganyahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu madaxweyne Uhuru Kenyatta kulan qado sharaf ah la yeelan doono dhiggiisa wadanka Mareykanka.

Obama ayaa lagu wadaa in uu garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta kasoo gaca dhigto maalinta jimcaha ah ee isbuuca fooda nagu soo haya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Obama uu kulan la yeesho hogaamiyaasha mucaaradka Kenya oo ay ugu cadcadyihiin Raila Odinga, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetangula, in kastoo aan laga xaqiijinin dhinaca mareykanka.

In ka badan 13 kun oo askari ayaa loo diyaariyay si ay u xaqiijiyaan amaanka Obama inta uu dalka ku suganyahay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed