Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo Khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay Ummada Somaliland DAAWO
Boorama 20.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo Mudooyinkii u danbeeyay ku Sugnaa dalka ayaa Booqday Magaaladda Boorama ee Xarunta u ah Gobolka Awdal oo uu dhalasho ahaan ka soo Jeedo.
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Cali Saleebaan Ramaax ayaa Maalintii Shalay Hadhiimo- Sharafeed u sameeyay Waxaa kale oo Hadhiimo Sharafeedkaas ka soo qayb galay Madax dhaqameedka Gobolkaas.
Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Khudbad uu Goobtaas ka jeediyay Waxa uu fariin Odaynimo u diray Bulshada Gobolkaas oo uu ku baraarujiyay in Tusaalihii ay u ahaayeen Shacabka Somaliland aanay lumin, Sidoo kale Bulsho weynta Somaliland ayuu ku booriyay inay Xoojiyaan Midnimadooda.
Boorama SDN/QJ