|

Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Sul.Maxamed Sul.Cabdiqaadir Oo la filayo In uu Ka qayb galo Shirka Salaadiinta Soomaaliyeed Oo ka Dhici Doona Puntland.

Hargeysa,19july,2015(QJ/SDN)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa la filayaa in uu ka qayb galo shirka salaadiinta soomaaliyeed oo ka dhici doona deegaanada puntland gaar ahaan magaalada Qardho. Shirkan oo looga hadli doono danaha ummadda soomaaliyeed ee ku nool mandaqada geeska afrika, shirkan ayaa la filayaa in diiradda lagu saari doono sidii ummadda soomaaliyeed ee mudaada sodonka sanno ku dhow kala qoqobnayd la iskuugu soo dhaweyn lahaa, gogosha shirkan oo u fidiyay boqorka guud ee beelaha Daarood Boqor  Burhaan. Ilo wareedyo u dhuun daloola arrintan oo warkan noo xaqiijiyay ayaa sheegaya in sidoo kale suldaanku u marti qaaday dhaqanka puntland, iyadoo dhawaan la filayo in magaalada Hargeysa ay soo gaadhaan isimo iyo salaadiin reer puntland ahi.

received_909754775750970

Si kastaba ha ahaatee warkan ayaa kusoo beegmaya xilli suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir uu horay uga dhawaajiyay in shayga kaliya ee soomaali wax ku noqon kartaa ay tahay midnimo iyo wada jir. Balse suldaanka ayaa hadalkan kala kulmay mucaaridad xoog leh oo kaga timid dhaqanka iyo siyaasiinta kale reer Somaliland.

dher

ISHA KU HAY: QJ/SDN

Comments are closed