Wasiir Xukuumadda Ka Difaacay Eedo Kaga Yimi Dhinaca Musharraxa Madaxweyne-ku-xigeen Ee Xisbiga Ucid
Borama:Jully,19,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaadhsiinta somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa raalligelin ka bixiyey dhaliilo dhawaan ka yimi dhinaca Musharraxa Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, kuwaas oo uu dhaqanka xukuumada ku dhaliilay Madashii salaadda ciidda lagu tukanayey ee Magaalada Borama.
Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal, waxa uu sheegay inuu raalligelin buuxda ka bixinayo erayadaas xukuumadda lagu dhaliilay, kuwaas oo uu ku sheegay qaar aan ku haboonayn madashaas, maadaama la cibaadaysanayey,“Waxan umadda ka raalligelinayaa erayadii lama filaanka ahaa ee musharraxa madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga Ucid, anigaana dusha ku qaadanaya erayadii lama filaanka ahaa ee umaddii cibaadaysanayey dhegahooda kusoo dhacday ee kasoo baxday walaalkay cabdirashiid.”ayuu yidhi Wasiir Abgaal.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Hadalka Musharraxa Cabdirashiid Xasan Mataan ku Haboonaa Goobo kale oo lagu yoo-yootamo, waxana uu yidhi,“fagaarayaasha la isku arko iyo meelaha la isku xag-xagtaa way badan yihiin, kamana aanu filaynin laakiin way dhacdaye ka raalli ahaada.”
Hadalka Wasiirka, ayaa ka Dambeeyey dhaliilo adag oo uu murasharrax Cabdirashiid Xukuumadda gadhka u geliyey, waxana arrintaas sida muuqata ka cadhooday xukuumadda oo si weyn u dhibsatay.
SDN/QJ