Komsihanka Doorashooyinka Qaranka Oo Shaaciyey Xilliga Rasmiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyayaashu Bilaabmi doonto
Hargeysa:Jully,19,2015(SDN/QJ)-Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Maanta si rasmi ah u shaaciyey xilliga rasmiga ay bilaabmi doonto diiwaangelinta codbixiyayaasha oo si weyn loo sugayey.
Shir jaraa’id oo ay maanta saxaafadda ugu qabteen xafiiskooda ayey ku sheegeen inay 21-ka bishan April ee aynu ku jirno diiwaangelinta Codbixiyayaasha bilaabmi doonaan, iyagoo ugu horrayn ka bilaabi doona gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Burco.
“Maanta oo bisha July tahay 19-2015, waxaanu idiinku yeedhnay inaanu iclaaminno inaanu hadda soo gaadhnay xilligii aanu si rasmi ah u bilaabi lahayn hawlaha diwaangalinta, oo ku beegan 21-ka bishan July ee aynu ku jirno 2015. Waxaanu aasaaskeedu yahay in qalabka la geeyo goobaha, wacyi galinta iyo tijaabin” ayuu yidhi Guddoomiye Iimaan oo halkaas ugu horrayn ka Hadlay.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inay 21-ka bishan July ay gobolka Togdheer ka bilaabi doonaan wacyigalinta diwaangalinta.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in guddidu diyaar u tahay isu soo dhawaynta dhinacyada ku muransan wakhtiga doorashada Somaliland.
Guddida ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqday is diwaangalinta iyo in laga waantoobo ku celcelinta diwaangalinta.
Wakhtiga ay bilaamayso diwaangalinta ayaa la dareemayaa inaan wax wacyi galin ah lagu samayn dadweynaha is diwaangalinta, waxaana dhawaan soo baxay eedo ku saabsan in Komishanku Ururo si musuqmaasuq ah u siiyay wacyigalinta, hase ahaatee Guddida ayaa sheegaysa inay samayn doonto wacyi galin dadka lagu fahansiiyo diwaangalinta iyo qaabka loo samaynayo.
SDN/QJ