|

Suuqii Ganacsiga West-gate Mall Oo Qaybo Ka Mid Ah Albaabada Loo Furay.

Nairobi,18july,2015(QJ/SDN)-Suuqii Ganacsiga Westgate Mall ee Magaalada Nairobi ayaa maanta dib loo furayaa muddo labo sano kadib, weerarkii Al Shabaab ay dad badani ku laayeen oo ka dhacay Suuqaasi.

 

Dayactir iyo dib u hagaajin weyn oo lagu sameeyay Xarunta Suuqaan ayaa suuragelisay in dib loo furo maanta oo Sabti ah, waxaana albaabada Suuqa laga sameeyay dhismooyin adag.

Dib u furista suuqaas waxaa la sheegay iney la bilaabi doonaan shaqadooda xarumo ganacsi oo caan ah sida; Nakumatt, ArtCaffé iyo Ashleys oo horay ugu dhex yaallay dhismahaas.

 

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan Xaflada daah furka Suuqa Ganacsiga Westgate Mall ee Magaalada Nairobi.

 

Labo sano ka hor Al Shabaab ayaa weerar culus oo ay ka geysteen Suuqa Ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi waxa ay ku dileen dad gaaraya 68 ruux, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen.

 

Xoogaga Al Shabaab ayaa weeraro dad badani ay ku dileen geystay dalka Kenya oo hada walaac badan ka qaba weerarada Shabaabka.

Si kastaba ha ahaataa suuqqan westgate-Mall ayaan guud ahaan manta la wada furin iyadoo ay jiraan qaybo badan oo kale oo weli albaabadu u laabanyihiin.

 

Comments are closed