Suuqii Caanka ahaa ee Westgate Oo Laba Sano Kadib Maanta Dib Loo Furay
Nairobi:Jully,18,2015(SDN/QJ)-Waxa markii ugu horraysay muddo laba sano ah dib loo furay Suuqii Ganacsiga Westgate Mall ee Magaalada Nairobi, kadib weerarkii ay shabaabku ku qaadeen.
Dayactir iyo dib u hagaajin weyn oo lagu sameeyay Xarunta Suuqaan ayaa suuragelisay in dib loo furo maanta oo Sabti ah, waxaana albaabada Suuqa laga sameeyay dhismooyin adag.
Dib u furista suuqaas waxaa la sheegay iney ka bilaabi doonaan shaqadooda xarumo ganacsi oo caan ah sida; Nakumatt, ArtCaffé iyo Ashleys oo hore ugu dhex yaallay dhismahaas.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan Xaflada daah furka Suuqa Ganacsiga Westgate Mall ee Magaalada Nairobi.
Labo sano ka hor Al Shabaab ayaa weerar culus oo ay ka geysteen Suuqa Ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi waxa ay ku dileen dad gaadhaya 68 ruux, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com