Reer Somaliland Oo Madax Iyo Minjo Aan u Kala Hadhin Aaska Marxuum Fur’aad Aadan Cadde Oo Maanta God Galay
Hargeysa:Jully,18,2015(SDN/QJ)-Shacabka Somaliland, ayaa maanta si weyn uga qaybgalay Aas Qaran oo Magaalada Hargeysa duleedkeeda loogu sameeyey Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, La-taliyihii hore ee Madaxweynaha dhinaca Arrimaha Bariga oo dhawaan ku Geeriyooday Dalka Turkiga.
Aaska marxuumka, ayaa marka laga tago dadka shacabka ah, waxa si weyn uga qaybgalay Madaxda qaranka oo muxaafid iyo mucaaridba leh, kuwaas oo uu ugu horreeyey Madaxweynaha Somaliland, Hoggaanka Axsaabta qaranka, Golayaasha Kala duwan ee Qaranka, waxana aaskaas si weyn u qaban qaabiyey Guddi uu madaxweynuhu dhawaan u xilsaaray.
Ugu Horeyn Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo Ayaa Waxaa Uu Sheegay In U Marxuumku Uu Ka Mid Ah Dadkii Ka Qeyb Qaatay Nabadeyntii Somaliland Isla Markaana Uu Yahay Shaqsi Qaranka Qaali Ku Ah Oo Maanta Ka Baxay.
Madaxweynaha Ayaa Waxaa Uu Marxuumka Ilahay Uga Baryey In Uu Naxariistii Jano Ka Waraabiyey Ehelkii Iyo Asxaabtii Uu Ka Baxeyna Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo.
Sidoo Kale Waxaa Madashasi Ka Hadley Gudoomiyaasha Xisbiyada Wadani , Kulmiye Iyo Masuulyiin Kale, Waxaana Ay Dhamaantood Sheegeen In Fu,aad Aadan Cade uu ahaa shakhsiyad taariikhda somaliland baal dahab ah kasoo qaadatay.
Meydka Marxuumka, ayaa ka hor intii aaan loo qaadin dhinaca xabaasha waxa cutubyo katirsan ciidamada qaranku salaan ku siiyeen Gudaha Garoonka Cigaal International Airport, iyadoo calanka somaliland lagu soo duubay, waxana intaas kadib loo sii qaaday dhinaca xabaasha, iyadoo masaajidka Tabliiqiyiinta salaadda janaasada lasii marsiiyey.
Dhammaanba madaxdii halkaas iskugu timi ayaa marxuumka ilaahay uga beryey inuu jannadii ka waraabiyo, iyo ehelka iyo asxaabta uu ka baxayna u rajeeyey inuu Samir ku hadoodilo.
SDN/QJ