|

Banaanbaxyo maanta ka kala dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar

Muqdisho/jawhar,18july,2015(QJ/SDN)-Banaanbaxyo siyaabooyin kala duwan loo soo agaasimay, ayaa maanta waxay ka kala dhaceen Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho, iyadoo midka Jowhar ka dhacay ay ku dhaawacantay ilaa saddex ruux.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Jowhar, ayaa ka carooday dil maalin ka hor Magaaladaasi loogu gaystay mid ka mid ah dadka Magaalada, waxaana dilkaasi gaystay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Dadku waxay ka dhiidhiyen Maamulka Jowhar oo aanu wax tallaabo ihi ka qaadin dilka uu ku kacay ninka askariga ah, waana taa midda dhalisay in dadku isugu soo baxaan Wadooyinka Jowhar.

Ciidamada Dowladda oo doonaayay inay dadka kala eryaan, ayaa rasaasta nool nool u adeegsaday, waxaana ku dhaawacantay ugu yaraan saddex ruux. Xaaladda Jowhar ayaa maanta ahayd mid aad u kacsan.

Bannaanbax uu xaalkiisa midkaasi ka duwanaa, ayaa barqanimadii maanta ka dhacay xaafadda Bargaariyada ee Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho. Dadku waxay ka cabanayan in laga saaro Dhismooyinka Bangaariyada.

 

Dadku waxay ku qaylinayen ereyo ay ka mid yihiin “Anagu dowlad-diid ma nihi ee dowladuna yaynaan na barakacin.” Waxay kaloo ku baaqeen in marka hore la dayactiro xarumihii horey dadka looga saaray.

Labadii sano ee ugu dambeysay, ayaa waxaa dadka barakacayaasha laga saaray Xarumihii Dowladdii Dhexe Somaliya, iyadoo aad arkayso inaanan ilaa iyo hadda wax dayactir ah lagu samayn, xilli laga barakaciyay dadkii deganaa xilligii burburka.

Comments are closed