Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Ucid oo jawaaab adag ka bixiyey hadal ka soo Yedhay Gudoomiyaha Sadaxeed ee Xisbiga Ucid Cali Gurey ;Caliyoow laga fiican in ninka cimri taagan waxwalba dhex dabaasho, Suldaan Maxamed inuu yahay Suldaanka guud ee Somaliland meel wal oo somali ka degto geeska Afrika waa laga ogyahay.
london 18July15(SDN/QJ)Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga Ucid Abokor Maxamed ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Gudoomiyaha sadexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Gurey xoghayaha ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay Caliyoow laga fiican in ninka cimri taagan waxwalba dhex dabaasho, Suldaan Maxamed inuu yahay Suldaanka guud ee Somaliland meel wal oo somali ka degto geeska Afrika waa laga ogyahay ummad walibana taariikh bay leedahay sidaan halgankii aynu galnay loo dafiri karayn baan isna loo dafiri kareeyn waa hadii aan la isyeelyeelayn. hadalkan ayaa waxa xoghayaha uu jawab hadal ka soo yedhay gudoomiyaha sadexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Gurey.