|

Taariikh Nololeedkii Jaamac Cabdilahi Qaalib {Diirqadhaadh} Qalankii ;Fuaad Cusmaan Muxumed {Shibiin}

Qalinkii Fuaad Cusmaan Muxumed { Shibiin }

Jaamac Wuxuu Dhashay 1929 kii, wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafadda jameeco weyn ee degmada maxamuud haybe.  Jaamac Cabdilahi wuxuu ka soo jeeda qoys caan ah oo laga yaqaan dhammaan geeska Africa. Dhulka ay Soomaalidu Degto, aabihii wuyuu ahaa magaciisu xaaji Cabdilahi diir qadhaadh oo ka mid ahaa maalqabeenadii ugu caansanaa gayiga Soomaaliyeed. Sanadihii 1950 naadkii, ilaa lixdanaadkii. Intii u dhaxaysay 1940-1970 waxay lahaayeen hanti badan oo ahaa guryo ku yaalla magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera xoolo miyi iyo doontii caanka ahayd ee magaceedu ahaa salaxley. Oo laga yaqaanay  dhulka xeebaha soomaalida, sida Berbera, Laasqoray, Boosaso, iyo Jabuuti. Ilaahay ha u naxariistee Jaamac wuxuu ka aflaxay malcaamaddii sheikh Haaruun Sheikh Cali, Sheikh Magan ee ku taallay xaafadda Jameeco weyn halkaas oo uu ku bartay quraanka kariimka ah iyo luqadda Carabiga. Jaamac wuxuu u dhoofay magaalada cadan dabayaaqadii 1954 kii. Isagoo ka mid ahaa aqoonyahanadii ka cadhooday bixintii dhulkii hawd iyo reserve erea waa dhulkii daaqa xoolaha ee ingiriisku ku wareejiyey Itoobiya sanadkii 28-02-1954. Jaamac wuxyuu ugu tagey cadan walaalkii abwaan axmed cabdilahi qaalib {Gilin}. Ilaa uu joogay halkaas badhtamihi 1957 kii bishii ogos 1957 kii, Jaamac wuxuu ku soo laabtay dalkiisa hooyo ee Somaliland . Wuxuuna isla sanadkaas ku biiray xisbiyadi gobonimodoonka ee xiliyadaas hanaqaaday isagooku biiray xisbiga SNL all soo  know as the Somali National League. Oo uu ka gaadhay shanta gudiga fulinta xubniihii kula jiray gudiga fulinta waxa ka mid ahaa 1957-1959 kii.

 

1. Haji Omer Askar                           Guddomiye

2. Ismail Naxar                                   Kuxigeen

3. Jama Cabdilahi Diirqadhaadh      Xubin

4. Cali Qawdhan                                 Xubin

5. Moxamed Biixi Shuuriye              Xubin

1959 – 1960

SNL gudiga fulinta

1. Mohamed Ibrahim Cigaal                   Gudoomiye

2. Ahmed Haji Dualeh {Keyse}                Kuxigeen

3. Sheikh Ali Ismail                                    Xubin

4. Haji Abdilahi Doobelkoole                  Xubin

5.Mohamed Biixi Shuriye                        Xubin

Waxa Xilligaas dalka ka diiwaangashanaa ilaa shan xisbi oo u tartamayey  hogaanka talada kuwaas oo ahaa, e.g, 1. SNL, 2. NUF, 3. USP, 4. SYL, 5. Xisbiyada midoobay. Doorashadu waxay dhacday 17-02-1960. Xisbiyada waxay u kala heleen sidan.

1.       SNL – Somali National League 52.1% 20 kursi

2.       NUF – National United Front 24.9% 1kursi

3.       USP –United Somali Party 16.4% 12 kursi

4.       SYL – Somali Youth league 5.7% 0 kursi

5.       Xulufada – Other parties 0.9% 0 kursi

Total of 33 kursi

Aw Jaamac Cabdilahi wuxuu ka qayb Galay amma ka mid ahaa musharaxiintii xisbiga SNL wuuna ku Guulaystay waxa xusuus mudan oo marag ma doona Hargeyssa oo  lahayd lix kursi liydiiba. Waxa ku guulaystay xisbiga SNL oo Lixda Mudane aan idiin soo gudbindoono magacyadooda iyo degaanada ay ka soo baxeen.

1.       Aw Jaamac Cabdilahi Diirqadhaadh oo laga soo doortay badhtamaha, bariga, iyo koonfurta Hargeysa iyo jiidda degmada sallaxley.

2.       Haji Ibrahim Cismaan Nuur food {basbaas} oo laga soo doortay bariga Hargeysa iyo jiidda degmada cadaadley.

3.       Haji Abdilahi Doobilkoole oo laga soo doortay koonfurta Hargeysa iyo jiidda degmada balligubadle.

4.       Yusuf Ismaciil Samatar {Gaandi}

Oo laga soo doortay galbeedka iyo woqooyiga Hargeysa iyo jiidda degmada faraweyne

5.       Haji Muxammed Biixi { Shuuriye} – Oo laga soo doortay xaafadaha Sheikh Madar iyo labanuux.

6.       Sheikh Barkhad Cawaale- Oo laga soo doortay jiida degmada gabiley, Togwajaale, ilaa kalabaydh.

Dhamaantood way dhinteen Ilaahay ha u naxariisto.

Markii midnimadu dhacday ee 33 kii mudane ee ree Somaliland Xamar tageen ee koonfurna laga soo doortay 90 mudane waxay isla noqdeen tiradoodu 123 mudane kalfadhigii koowaad waxa cod aqlabiyad ah loogu doortay aw Jaamac Cabdilahi Diirqa dhaadh gudoomiyihii ugu horeeyey ee Barlamaanka jamhuuriyadda soomaaliyeed 1960-1964. Intii uu aw Jaamac Cabdilahi hayey jagada gudoomiyaha baarlamaanka wuxuu ka shaqeeyey qodobo iyo mooshino xasaasiya oo ay ka mid ahaayeen. 10-12- 1961 kii inqilaabkii ay dhigeen dhalinyaro saraakiil ah oo reer Somaliland oo saluugay amma ka biyo diiday saamigii Somaliland ka Heshay iskudarkii somaliya. Aftidii  dastuurka 1962 kii oo reer Somaliland ku gacansaydheen. Weerarkii dawladda Itoobiya  ku soo Qaaday Somalia 26-02-1964 kii. Heshiiskii taariikhiga ahaa ee la soo galay dalkii midowga soofiyet madaxda ugu sareysay, oo ka dhacay magaalada moosko, 1963 kii heeshiskaas oo isugu jiray dhinayada milatariga. Waxbarashada dhaqaalaha, iyo caafimaadka ugu dambeynti waxa soo saxeexay raiisal wasaarihii Somalia Cabdirashiid Cali, Sharmarke, horaantii 1964 kii. Aw Jaamac Cabdilahi Diirqadhaadh wuxuu xilka warweejiyey 30-03-1964. Wuxuu ka mid ahaa saddexda nin ee ka sii noolaa 33 kii nin ee Somaliland u galay 1960 kii baarlamaanka Somalia waxaa wali nool labadan nin. Axmed xaji Ducaale {Axmed keyse}. Cusmaan Maxamuud oo laga soo doortay Gobolka sool gaarahaan jidda sarmaanyo ilaa xudun iyo uurboogays iyo carooley isaga iyo Ibrahiim  Ciid ilaahay ha u naxariistii. Axmed Keyse wuxuu u dhashay Cerigaabo iyo degmada xiis laakiin waxa laga soo doortay burco 1960 kii.

Ilaahay ha u naxariisto aw Jaamac Cabdilahi Diirqadhaadh

Mr Fuaad Cusmaan Muxumed {Shibiin}

Phone –00447943654936

Email- shibiin26@gmail.com

Coventry

England

Comments are closed