|

Afar Kamid ah Ciidamada Maamulka Puntland Oo Shil Gaadhi Ku Geeriyooday

Garowe:Jully,18,2015(SDN/QJ)-Illaa iyo haatan inta la xaqiijiyey afar kamid ah ciidamada Maamul-goboleedka Puntland, ayaa geeriyooday, halka saddex kalena dhaawacmeen, kadib markii uu gaadhigii ay saarnaayeen kula dhacay inta u dhexeysa deegaanka Tuka-raq iyo magaalada Garowe.

asssseDr.Cabdisalaan Axmad Jaamac oo ah agaasimaha guud ee isbitaalka Garowe oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyey dhimashada iyo dhaawaca ciidankaasi, iyadoo shilkaasina dhacay shalay oo ciid ahayd.

Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in askarta dhaawaca ah xaaladoodu ay fududahay, isla markaana qaarkood lagu sameeyey qaliin deg-deg ah.

Waxa uu ahaa gaadhiga shilka galay nooca ay adeegsadaan ciidanka ee Soomaalidu u taqaan Cabdi bile ama 4.5-ka.

Waxa ay ahayd bishii june ee sanadka 2015 markii 10 askeri oo daraawiishta ka tirsanaa ki geeriyoodeen shil ka dhacay deegaanka Tuka-raq.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed