Maydka Marxuun Fu’aad Aadan-cadde oo Sabtida Beri Hargaysa laga soo Dejin doono iyo Gudida qaban qaabada aaska oo ka hadlay qaabka uu aasku u dhacayo
Hargaysa 18.July 2015 (SDN/QJ)- Gudidii heer qaran ee madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u xil saaray Aaska Marxuum Fuaad aadan Cade ayaa Qoraal Kooban oo ay Soo Saareen Waxay ku Cadeeyeen in Maydka Marxuunka Beri oo Sabti ah Saacadu markay tahay 10:30 Barqo-nimo laga soo dejin doono Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargaysa.
Gudida Heerka Qaran Waxay ka Cudur daarteen War ay doraad baahiyeen oo ay ku sheegeen in maydka Marxuunka la keeni doono Sabtida beri 7:00 Subaxnimo iyagoo xusay inuu dib u dhac dhanka duulimaadka ahi dib ugu riixay in Maydka Marxuun Fu’aad Aadan Cade Alle ha u naxariistee la keeni doono 10:30 Waxayna intaas raaciyeen in 11:00 Duhurnimo Marxuunka lagu aasi doono Xabaalaha Naasa Hablood ee Magaalada Hargaysa halkaas oo Salaatu Jinaasaha lagaga Tukan doono.
Gudida Heerka Qaran ee Madaxweyne Siilaanyo u Xilsaaray Keenista iyo Aaska Marxuun Fu’aad Aadan Cade ayaa ku Wargeliyay labada Golle, asxaabta xisbiyada, Culimada, Madax-dhaqameedka iyo Shacbi weynaha Somalilandba inay sidaasi ula socdaan kana soo qaybgalaan aaska marxuumka iyaga oo tixgelinaaya wakhtiga danbe ee duulimaadku u dhacay gudiduna ku dhawaaqday.
Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Adan Cadde oo haatan ahaa La Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Gobolada Bari waxa uu ku dhashay degmada Xuddun ee gobolka Sool. Nooma suurta-galin inaanu helno taariikhda Saxda ee uu dhashay Marxuumku, balse sida ay sheegeen qaar ka tirsan Ehellada Marxuumka, waxa ay noo sheegeen inuu dhashay horaantii sannadihii 1940naadkii. Waxa uu waxbarashadiisii H/Dhexe ilaa dugsiga Sare ku dhamaystay Magaalada Sheekh, isagoo Dugsiga Sare ee degmada Sheekh ka baxay Sannadkii 1961-kii.
Marxuum Fu’aad waxa uu shaqadii ugu horeysay ka qabtay Baankii Dhexe ee dalweynihii Soomaaliya, balse muddo kaddib wuu ka tagay, isagoo ka mid noqday asaasayaasha Shirkad ganacsi oo la odhan jiray AfroArab oo fadhigeedu ahaa magaalada Muqdisho, isagoo ka mid ahaa masuuliyiinta sar-sare ee shirkaddaas ilaa burburkii dawladdii Soomaaliya.
Markii Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideda sannadkii 1991, waxa uu Fu’aad Adan Cadde ahaa Oday qayb laxaad ka qaatay Shir-nabadeedyo tiro badan oo dib loogu heshiisiinayey beelaha Somaliland kuwaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Ceerigaabo, Buuhoodle, Xuddun, Caynaba, Ceel-afwayn, Berbera, Boorama, Sheekh, Burco, Hargeysa, iyo deegaamo kale, hawshaas oo ku guda-jiray intii u dhaxaysay sannadihii 1991 ilaa 1999-kii.
Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, ayaa markii u horeysay ka soo dhex-muuqday Saaxadda Siyaasadda Somaliland horaantii sannadihii 2000, isagoo ka mid noqday siyaasiyiintii hoggaaminaysay Urur-siyaasadeedkii ASAD ee ka qayb-galay tartankii doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee dalka ka qabsoomay sannadkii 2002-dii, balse markii dambe waxa uu ku biiray Xisbigii talada dalka hayey xilligaas ee UDUB oo ay ku biireen intooda badan siyaasiyiintii ururkii ASAD oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee wakhtigan Saleebaan Maxamed Aadan.
Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan Cadde waxa uu markii dambe Xil-wasiirnimo ka qabtay Xukuumaddii UDUB ee madaxweyne Daahir Rayaale oo u magacaabay Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga sannadkii 2003-dii, xilkaas oo uu hayey muddo Shan sanno, balse markii dambe wuu iska casilay xilkaas iyo xukuumaddii uu ka tirsanaa, isagoo ku biiray Xisbigii Mucaaradka ugu weynaa xilligaas ee Kulmiye bishii November ee sannadkii 2008-dii.
Markii xukuumadda Xisbiga Kulmiye ku guulaysatay talada dalka sannadkii 2010-kii muddo kaddib, waxa uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inuu noqdo La-taliyihiisa Gaarka ah ee Arrimaha Gobollada Bari oo uu hayey ilaa xilligan uu geeriyooday.
Dhinacac kale, Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, waxa uu ka mid ahaa madax-dhaqameedka dalka, isagoo hayey Xilka Chief-Caaqil oo aabahii ka geeriyooday. Alle ha u naxariistee, Marxuum Fu’aan Aadan CAdde, waxa uu ifka kaga tagay Laba Xaas iyo 11 ubad ah.
Marxuum Fu’aad Aadan-cadde ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta faro-ku-tiriska ah ee gobollada Bari u metala siyaasadda dalka, isla markaana kaalin wax-ku-ool ah ka geystay dedaalladii nabadeynta iyo midnimada Shacabka Somaliland, isagoo ka midho-dhaliyey heer aanay siyaasiiyiin badan oo ay isku gobol ka soo jeedaan ka gaadhin daacadnimada Qaranimada Somaliland.