|

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Maanta Dhagax-dhigay Waddo Laami ah (SAWIRRO)

Laascaanood,17july,2015(QJ/SDN)-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay Wehlinayeen Wasiirro iyo Xubnaha ka ka tirsan Xukuumada Somalialnd ayaa Maanta dhagax-dhigay Wado laami ah oo laga dhisayo magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, isagoo sidoo kalena Xadhigga ka jaray Mashaariic la dhameystiray, ballanna-qaaday kuwo kale kaddib markii Magaalada u yimaadeen ka qaybgalka dabaal-dagga Ciidda Soon-fur.

Waddo Laamiga ah ee la Dhagax-dhigay ayaa mari doonta dhul muhiim u ah bilicda guud ee Magaalada Laascaanood, iyadoo haatan lasoo Gunaanaday dhismaha Waddo Laami ah oo bishii aan soo dhaafnay la billaabay dhismaheeda.

Sidoo kale, Wasiirka madaxtooyada Somaliland iyo Wafdigiisa ayaa xadhiga ka jaray laba saldhig boolis oo dibu-habayn lagu sameeyey, waxuu kaloo kormeeray dhismaha Waddada Laamiga ah ee ay shaqadiisu billaabatay maanta.

“Waxaan u nimid Laascaanood inaan idin la ciidno, isla markaana aan horumarka Gobolka wax ka qabanno, isla markaana aan qiimaynayno baahida bulshada,” ayuu yiri Xirsi oo la hadlayay Waxgaradka Gobolka Sool oo ay ku kulmeen Hotel Xamdi oo dhanka Bari kaga yaalla Laascaanood.

Ugu dambeyn, Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa gabal-gaabkii Maanta u Ambabaxay Tuulada Ganbadhe oo fadhiis u ah ciidammo ka tirsan Somaliland, lamana oga xilliga ay joogayaan magaalada. 

2015717635727452899073758DSCF5840

2015717635727454021744971DSCF5828

2015717635727455230344927DSCF5811

2015717635727455490350470DSCF5825

Comments are closed