“Saaxiibadeydaas iska casilay xilkii ay hayeen markii hore ikhtiyaarkooda ayey xisbiga ku yimaadeen iminkana ikhtiyaarkooda ayey kaga baxeen, Xisbiguna Waa Dimuquraadi” Cirro
Hargaysa 17.July 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee wadani cabdiraxmaan maxamed cabdilahi ciro ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey ka dib markii safar shaqasi ah uu ugu maqanaa dalka aynu jaarka nahay ee jabuuti.
Gudoomiyaha oo ugu horeyn ka hadlaya safarkii uu ugu maqanaa dalka jabuuti ayaa waxaa uu yidhi “Waxaan halkan salaan ugu gudbinayaa munaasibada ciida awgeed bulshada rer somaliland iyo bulshada muslimka ahba waxaanan leeyahay sanadkaas sanadkiisa ku gaadha bash bash iyo barwaaqo .
“Safar gaaban oo shaqasi ah baan, ku tagey dalka jabuuti waxaanan ku faraxsanahay in dalkii si nabad ah iyo caafimaad qab ah ugu soo noqdey waxanan jecelahay in aan shacibigeyga si nabad ah kula ciido “ayuu yidhi gudoomiye Ciro
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu ka hadley masuulyiin dhawaan iska casilay xisbiga wadani waxaana uu sheegay in masuulyiinta iska casishay xisbiga wadani ay yahiin qaar markii hore ku yimid rabitaan kooda iminkana ku tagay rabitaankooda isla markaana xisbiga wadani aanu aheyn xabsi dadka lagu hayo waxaana uu yidhi “Saaxiibadeydaas iska casilay xilkii ay hayeen markii hore ikhtiyaarkooda ayey xisbiga ku yimaadeen iminkana ikhtiyaarkooda ayey kaga baxeen xisbiguna waa xisbi dumuqraadi ah jeel ma aha dadka lagu hayo waana imanayaan dadku waana ka baxayaan .
Ninmankaas wax xumaan ah oo aanu u heyno ma jirto saxiibo nala soo shaqeeyey ayey aheyn “ ayuu ku soo koobay hadalkii Gudoomiye Ciro .