|

Ra’isal wasaaraha Dalka Sweden Oo Cisbitaal La Dhigay, Kadib Markii Uu Xanuun Kala Soo Laabtay Dhinaca Ethiopia

Stockholm:Jully,15,2015(SDN/QJ)-Ra’isal wasaaraha dalka Sweden Steven Loven, ayaa cisbitaalka la dhigay kadib markii uu waxoogaa caloo xanuun ah dareemay.

sterXanuunka ra’isulwasaaraha ayaa ku soo beegmay markii uu kasoo noqday Addis Ababa oo uu kaga qaybgalay shir caalami ah.

Xoghayaha arrimaha saxaafada ee ra’isulwasaaraha, Anne Ekberg, ayaa sheegtay in baadhis dhanka caafimaadka ah lagu xaqiijiyey in xanuunka ra’isulwasaarahu aanu khatar ahayn islamarkaana loo fasaxay in uu gurigiisa tago.

Ra’isulwasaaraha ayaa shalay galenkii hore loo qaaday isbitaal kadib markii uu ka soo degay gegida diyaaradaha ee Arlanda.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed