Safiirka Britain ee Muqdisho oo Shacabka Soomaaliyeed Bushaaro & Hambalyada Ciidda Af-Soomaali ugu dirtay DAAWO
Muqdisho Jully,17,2015(SDN/QJ):- Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Harriet Mathews, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay Ciidal-fidriga Saaka laga Tukan doono dunida Islaamka iyo meelkasta oo caalamka dad Muslimiin ahi kaga nool yihiin, waxaanay sidoo kale ka hadashay qodobbo kale oo muhiim ah.
Safiirka Britain ee Soomaaliya, waxay sheegtay inay ku farsaxan tahay inay Shacabka Soomaaliyeed soo guteen waajibaadka Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan, isla markaana ay si nabadgelyo ah ku soo gaadheen Ciidda, kuna Ciidayaan Farxad. Waxaanay u rejaynay in bishan bisheeda ay Bulshada Soomaaliyeed ku gaadhaan nabadgelyo buuxda iyo horumar inta hadda jirta ka badan.
Waxay Ambassador Harriet Mathews, ay ku hadlaysay Luuqadaha Soomaaliga iyo Ingiriisida, iyadoo hadalkeeda ku bilawday; “Galab wanaagsan, marka hore waxaan ummadda Soomaaliyeed leeyahay Ciid wanaagsan.” Weedhahaas oo Af-Soomaali ah ayay hadalkeeda ku furfuratay Safiirku.
Safiirka dawladda Britain ee Soomaaliya waxay sheegtay inay dawladda dawladdeeda farriin ugu soo dhiibtay dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxaanay tidhi; “Waxaan dawladda Britain idiinka sidaa Farriin culus, oo ay UK ku ballan-qaadday inay Shacabka iyo dawladda Soomaaliya ka caawinayso dhismaha xasilinta nabadgelyada iyo horumarka.”
Sidoo kale, Safiirka Ingiriiska u fadhida dalka Soomaaliya Harriet Mathews, waxay sheegtay waxa ay tahay sababta ay Soomaaliya u timi, waxaanay tidhi; “Waxaan Imid Magaalada Muqdisho Anigoo ah Danjiraha Britain ee Soomaaliya, waxaana jecelahay inaan arko sida ciidan ay ugu dabaal-dagayaan Shacabka Soomaaliyeed, maadaama lagu jiro xilli Somalia ay dib u dhismayso.”
Waxay Safiirku sheegtay inay dadka Soomaaliyeed Shacab iyo dawlad-ba uga baahan tahay, kana rejaynayso inay la shaqeeyaan, isla markaana ay iyaduna la shaqayn doonto. Waxaanay sheegtay inay rejaynayso inay muddo dheer sii wada-shaqayn doonaan Soomaalida. Waxaanay u rejaynaysay sidoo kale Soomaalida nabad cago adag ku taagan oo dalkooda ka hirgesha mustaqbalka dhaw.
Hadalka Safiirka dawladda Britaina ee Soomaaliya Harriet Mathews, waxaannu isagoo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan oo Wanaagsan:-
Sidoo kale, Wakiilka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Nicholas Kay, ayaa isaguna Shacabka Soomaaliyeed Curashada Ciidal-fidriga ugu Hambalyeeyey, isla markaan horumar iyo barwaaqo u rejeeyey.
“Waxaan Ciid Mubaarak u dirayaa dhammaan Bulshada Soomaaliyeed ee Maalinta Berri (Jimcaha Maanta) ah u Dabbaal-degaya Ciidda Soon-fur ama Ciidul-Fitriga. Ka dib markii ay dhammeysteen waajibkii Bisha Barakeysnayd.” Sidaa ayuu yidhi Wakiillka Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Mr. Nicholas Kay.
Waxaanu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay iskaalmeeyaan intooda awoodda u lihi Caawiyaan Masaakiinta iyo dadka Danyarta ah, si ay uga wada sinnaadaan Farxadda Ciidal-fidriga. Waxaanu u rejeeyey inay Munaasibadda Ciidda Nabadgelyo iyo degganaansho ku dhammaystaan.