Madaxweyne Siilaanyo Oo Bulshada Ku Hanbalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga
Madaxweynahay JSL Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa guud ahaan ummadaha islaamka gaar ahaanna shacbiga Somaliland wuxu ku hanbalyeey munaasibadda Ciidal-fidriga. sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland uuna ku saxeexan yahay Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada JSL. Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska) Waxana qoraalkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhey shebekeddan Oodweynenews u dhignaa sidan:-
HAMBALYADA MADAXWEYNE JSL EE MUNAASIBADDA CIID-AL-FIDRIGA
16/07/2015
Assalamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakatu.
Maanta waa maalin weyn oo qiima ku leh caalamka islaamka.
Munaasabadda ciid-al-fidriga awgeed waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa dhammaan ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacbiga Somaliland oo aan Ilaahay uga baryayo in uu soonka iyo cibaadadii bisha Ramadaan uu inaga aqbalo, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo nabad, bash-bash iyo barwaaqo, inta xanuusanaysa iyo dhibaataysana uu Illaahay ka dul qaado.
Walaalayaal maanta dalkeenu meel wanaagsan ayuu marayaa oo Ilaahay loogu mahadnaqo. Waxaana inala gudboon dedaalkaasi dawlad iyo shacbiba in aynu sii libinlaabno. Waxaan idinku adkaynayaa in wax kasta oo wax u dhimaya nabadgalyada Qaranka aynu meel uga soo wada jeedsano.
Ugu dambayn, waxaan idiin leeyahay Ciid Mubaarak, Kullu Caam wa antum bilkhayr.