|

Akhri Magacyada 7-Da Magaalo Ee Caalamka Ugu Nolosha Qaalisan Iyo Qaddarka Lacagta ay Kaaga Baahan yihiin

Hargeysa:Jully,16,2015(SDN/QJ)-Adduunyadan hore u martay waxa si weyn u kala duwan nolosha dalalka iyo magaalooyinka, waxana jira Goobo si gaar ah loogu aqoonsaday in ku noolaanshahoodu ka qaalisan yahay meel kasta oo caalamka kamid ah.

luwaHaddii dad badani aaminsan yihiin Magaalooyinka Yurub iyo Maraykanku ugu nolol qaalisan yihiin caalamka arrintaasi sidaas ma wada aha oo tirada Magaalooyinka ugu qaalisan caalamku waxay u badan tahay qaaradaha Afrika iyo Asia.

Halkan hoose ka akhri liiska Toddbada magaalo ee Caalamka ugu nolosha qaalisan iyo qaddarka lacagta ay mid waliba kaaga baahan tahay:

 

1: Caasimada Denmark (Cobonhaygan):Waa magaalada ugu nolosho qaalisan aduunka, halkii Liitar oo Banziin ah ayaa ka jooga magaaladaas 2 doolar halka joornaalka ama wargaysyada 4.22 doolar lagu iibsan karo, cuntada fudud sida hambegar-ka iyo wixii lamid ah ayaa ka jooga inkabadan 10-doolar, ijaarka halkii aqal, ayaa u dhexeeya halkii bil 750 ilaa 2000.

2-Luwanda (Angola):Magaaladan ayaa ah magaalada labaad ee ugu nolosha qaalisan aduunka, hadii aad banaanka soo aaddo si aad ula soo cuntayso asxaabta ama ehelkaaga waxaa kugu baxaya 18-doolar, halkii Aqal oo habaysan ayaa lagu kireeyaa halkii bil 7 kun oo doolar, koobka kafayga ah ayaa lagu cabaa 4-doolar.

3-Honkoog:Waa mid kamid ah magaalooyinka ugu nolosha qaalisan aduunka, cuntada fudud ayaad moodaa inay kayaro raqiisantahay magaalooyinka kale waana 3.35 oo doolar halka litarkii banziinku uu ka joogo 5.18 doolar, joornaalda ayaa lagu iibsadaa 4 doolar.

Halkii Guri ayaa lagu ijaaraa 4300 oo doolar, halka koobkii kafayga ah lagu cabo 7 doolar.

4: Moscow:Liitarka banziinka ah ayaa ka jooga wax kayar hal doolar halka cuntada fudud lagu cuni karo 6 doolar, aqalka dhamayska tiran, ayaa lagu ijaaraa halkii bil 3600 oo doolaar.

5:Zurich:Cuntada fudud ayaa lagu cunaa 10 doolar halka joornaalku uu ka joogo 3 doolar, koobka kafayga ah ayaa qiimo ahaan jooga 5 doolar, halkii aqal, ayaa lagu kireeyaa halkii bil 3000 oo doolar.

6:Jinief:Halkii Guri ayaa lagu kireeyaa bishii 4 kun oo doolar, liitarkii banziinka ayaa jooga 1.5 doolar, cuntada fudud ayaa lagu cuni karaa 10 doolar, joornaalkuna waa 4 doolar.

7:Tokiyo:Joornaalka ayaa ka jooga 5.50 doolar, koobka kafayga ah ayaa jooga 7 doolar, liitarkii banziinka ayaa ah 2 doolar, Aqalkan, ayaa lagu kireeyaa halkii bil 4500 oo doolar.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed