Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka kusoo laabtay – DAAWO SAWIRRADA
Muqdisho,16july,2015(QJ/SDN)-Waxaa shalay dalka dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu ka soo qeybgaley u shirkii 3aad ee Maalgelinta & Horumarinta Qaaradda Afrika…
Shirkan ayaa ajendayaasha ugu weyn ee looga hadley waxaa ka mid ahaa qorsheynta barnaamijyo cusub oo lagu xaqiijinayo horumarka caalamka, sida iskaashiga waddamada, tayeynta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo in dowladaha soo koraya loo dejiyo nidaam horumar la taaban karo u horseedikara.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan khudbad ka jeediyay, isagoo soo jeediyay in caalamku uu fiiro gaar ah u yeesho waddamada ka soo kabsanaya colaadaha oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Waxaa kale oo uu Madaxweynaha khudbad ka jeediyay kulan uu soo qabanqaabiyey urur goboleedka IGAD, oo looga hadlayey muhimadda xawaaladaha iyo doorka ay ka qaadan karaan horumarinta dhaqaalaha dalalka soo koraya.