|

Dagaal culus oo dhex maray Ciidamada Huwanta ee ku sii siqaaya Degmada Baardheere iyo Al Shabaab

Baardheere,16july2015,(QJ/SDN)-Ciidamada Huwanta, ayaa waxay dhowr jiho kaga sii siqayaan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, si gacanta Degmadaasi looga saaro Ururka Al Shabaab, oo ka arriminaayay sideedii sano ee la soo dhaafay.

 

Ciidamada Huwanta oo ka soo dhaqaaqay Deegaanka Faa-faaxdhuun oo qiyaastii 80km u jirta Degmada Baardheere, ayaa waxay gelinkii dambe ee Arbacadii ay Al Shabaab kula dagaalameen Deegaanka Taraaka, oo qiyaastii 50km u jirta Baardheere. Ciidamada Huwanta waxay ka soo gudbeen Shabaabkii ay kula dagaalameen Taraaka.

 

Ciidamada Isbahaysanaaya waxay xalay ku hoydeen Deegaanka Garas-dulan oo 35km u jirta Degmada Baardheere. Shabaabka oo soo dhoobtay Deegaanka Juungal oo 5km u jirta Garas-dulan, ayaa waxay madaafiic xoogani ay ku garaaceen Ciidamadii Huwanta ee soo galay Garas-dulan.

 

Boqolaal ka mid ah Xoogaga Al Shabaab, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay ku sugan yihiin Deegaanka Juungal, oo dhul buuraley ah, isla-markaana leh togag waaweyn, iyadoo ay adag tahay in daafacyadeeda laga gudbo.

 

Ciidamada Huwanta, ayaa waxay sidoo kale ay Degmada Baardheere kaga dhaqaaqeen wado ka baxdo Degmada Qansaxdheere oo tagta Degmadaasi. Waxaa kaloo jira ciidan xoogani oo ka soo dhaqaaqay Degmada Ceelwaaq, kuna wajahan Baardheere.

 

Warar aan la xaqiijin, ayaa sheegaaya in ciidan ka baxay Degmooyinka Garbahaarey iyo Buurdhuubo, ay iyana ku sii jeedaan Degmadaasi Baardheere, si mar uun looga saaro gacanta Al Shabaab.

 

Madaxweyne Ku Xigeenka 1-aad Ee Maamulka Jubbaland, General C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Arbacadii sheegay in Ciidamada Huwanta ay meelo badan ka hareereeyen Degmadaasi.

 

Gobolka Gedo waxaa laga dareemayaa gulufka militari ee lagu qaaday Degmada Baardheere. Baardheere waa Degmada qura ee Ururka Al Shabaab ka jooggaan Gobolkaasi.

Comments are closed