Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga oo xaqiijiyey inay dacwad ka gudbiyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland
Hargeysa 06.July 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha kooxda siyaasiyiinta ku midoobay Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Somaliland Muj. Xasan Guure Jaamac, ayaa xaqiijiyay inay dacwad ka dhan ah masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland u gudbiyeen dawladda Ingiriiska.
Xubno ka mid ah siyaasiyiinta Madasha oo waqtigan ku sugan Ingiriiska, ayaa baahiyey toddobaadkan inay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi u gudbiyeen dacwad ay kaga soo horjeedaan masuuliyiin xilal ka haya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, kuwaas oo haysta dhalashada UK iyo waddamo kale oo reer Yurub.
Haddaba, Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Muj. Xasan Guure oo saxaafadda la hadlay maanta, ayaa xaqiijiyey jiritaanka arrintaasi, isagoo xusay in xubnaha gudbiyey dacwadda ee ku sugan Ingiriisku ay xubno ka yihiin Madasha oo hawsha qabteen ay iyagu u igmadeen.
“Annagu dalka maanu ashkatayn ee ashkhaas baanu ashkataynay. Ashkhaas aannu qabno inay hantidii ummadda lunsadeen ayaanu ashkataynay oo gudbinay magacyadooda, musuqmaasuqu wuxuu ka mid yahay xuquuqda aadamiga. Afrika waxa looga bartay in inta lacag laga xado la dhigto baanan Yurub ah oo waynu wada ognahay, markaa Ingiriiska waxaannu ku nidhi lacagtaas nalaga soo xaday idinka ayuu raadkeedu idiin soo galayaa, qolo idinka idinka mid ah ayaana qaadanaysa ee noo qabta, annagu qaban karimayno oo ma xaqiijin karno lacagtu halkay taalo iyo raadkeeda,” ayuu yidhi Xasan Guure.
Waxa kaloo uu ku dooday in Madaxweyne Siilaanyo hore u bilaabay cabashooyinka Somaliland in la gaadhiiyo beesha caalamka, isla markaana aanay waxba yeelin dalka, waxaannu yidhi, “In arrinta ama cabashada Somaliland si caalami ah (international) loo gaadhsiiyo adduunka waxa ugu badnaa Axmed Maxamed Maxamuud (Madaxweynaha), beesha caalamku waa kuwii shalay kursiga saaray Madaxweyne Siilaanyo oo markii aannu KULMIYE ahayn odhan jiray ha la joojiyo mucaawanada la siiyo Rayaale.”
“Haseyeeshee, annagu maanu odhan dalka cuno-qabateeya ee waxaannu nidhi waddanka wixii la siinayey sidiisii ha loo siiyo, waxase aannu taabanay tuug haddii uu jiro oo uu wax naga soo xaday noo qabta,” ayuu hadalkiisa intaas raaciyey Xasan Guure.
Hargeysa SDN/QJ