Ammaanka Guud ee Dalka Tunisia Oo La Adkeeyey Kadib Weerarkii Reer Galbeedka Badan Lagu Laayey
Sousse:July,5,2015(SDN/QJ)-Kadib markii toddobaadkii hore weerar ay ku nafwaayeen Afartameeyo qof oo Reer Galbeed u badan lagu qaaday dalka Tunisia, ayuu madaxweynaha Dalkaasi Bejji Caid Essibsi ku dhawaaqay inuu waddankiisa xaalad degdeg ah kusoo rogay.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid dowladda Tunisia ku dooneyso inay wax kaga qabato ammaanka dalkaas, kadib weeraro argagixiso oo ka dhacay.
Madaxweyne Bejji Caid Essibsi ayaa sheegay in dalkiisa uu u baahan yahay taageero caalami ah, si ay wax uga qabato dhibaatada amni darrada ah ee soo korodhay.
Waxaa uu sheegay in dalkiisu uu ka hortagayo kooxaha argagixisada, waxaana sharcigan uu dowladdiisa awood u siinayaa tallaabooyin dhinaca amniga iyo in aan la dhigi karin isu soo baxyo.
Nin hubeysan ayaa todobaad ka hor ku dilay xeebta magaalada Sousse ilaa 38 ruux dalxiisayaal ajaaniib ahaa, kuwaasoo soddon ka mid ah ay u dhasheen Britain.
Kooxda Daacish ayaa sheegatay weerarkaas inay ka dambeysay, waxaana Tunsia ay qaaday howl gallo lagu soo qabtay dad badan, halka kuwa kalena lagu raad-joogo.
Bishii March ayey aheyd markii rag hubeysan ay ku dileen illaa 22-ruux Madxafka Bardo oo ku yaala Caasimada Tunis.
Dalka Tunisia ayaa dhaqaalaha ugu badan waxaa uu ka soo galaa dhinaca dalxiiska, waxaana xilliyada kuleylaha iyo xagaaga taga dalxiisayaal ka soo jeeda wadamada reer Galbeedka.
SDN/QJ