Golaha Qalinka Daa’uud Oo Tooshka Ku Ifinaya Afur Hadoodilan Oo Lagu Tabceeyey Mabda’ooda
Hargeysa:(SDN/QJ)-Golaha Qalinka Daa’uud, oo ay ku bahoobeen Aqoonyahanka beelweynte Ciidegale ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay isku day raqiis ah oo lagu sheegay in golluhu haatan ku qancay saamiga beesha eee xukuumada Somaliland.
Been abuurka ayaa ka dhashay sawir si khaldan loo faafiyay oo wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere la galeen xubno ka mida Gollaha Qalinka Daauud oo ku sugnaa madal beeshu isku aragtay.
Qoraalka Beeninta ah ee ka soo baxay Gollaha Aqoon yahanka Qalinka Daauud ayaa sidan u qornaa:
Qoraalkan waxa uu Golaha Qalinka Daa’uud ku beeninayaa warar lagu daabacay mareegaha wararka oo ku saabsanaa shir dhex maray xubno Golaha ka tirsan iyo xubno Xukuumadda ka tirsan kana qabsoomay Royal Hotel taariikhdu markii ay ahayd 03/07/2015, shirkaas oo laga majaro habaabiyay nuxurukii iyo ujeeddooyinkii la isugu yimid oo ahaa la xisaabtanka masuuliyiinta dawladda ku jira ee beesha.
Haddaba, waxa ayaan-darro ah in la isku dayay in la muujiyo sawir ah in ay beeshu ku qanacsan tahay saamiga ay ku leedahay xukuumadda Siilaanyo, balse waxa ay xaqiiqdu tahay in Golaha Qalinka Daa’uud iyo beelwayntuba ay wali ka midaysan yihiin tabashooyinka isbiirsaday ee aan wali waxba laga qaban, taasoo ay way beeshu qabto, waxaase ayaan-darro ah in la isku dayo in cadceed sacab lagu qariyo xaqiiqdana laga been sheego.
Waxa uu Qalinka Daa’uud mar kale halkan ku caddaynayaa in ay waxba kama jiraan tahay arrintaa sida loo bandhigay iyo in ay tahay in sawir been ah Qalinka laga bixiyo, waxaase nasiib wanaag ah in aan marnaba la qarin karin shakina la galinkarin hawlaha horumarineed ee Qalinku uu beesha ugu taagan yahay in ay hesho sadkeeda iyo wixii ay qarankan xaq ugu leedahay.
Ugudanbayn, waxa aanu si hufan ugu soo jeedinaynaa masuuliyiinta beesha in ay ku mashquulaan taabo-galinta hawlaha qaranka iyo inay beesha xaqqeeda u doonaan halkii ay wax kale oo ka liita kaga mashquuli lahaayeen.
Allaa Mahad Leh.
Guddida Fulinta,
Qalinka Daa’uud
SDN/QJ-Hargeysa