Xal u Helidda Shaqaaqada Deegaanka Guumays iyo Hawl Galo Ciidan oo Socda DAAWO
Guumays 05.July 2015 (SDN/QJ)- Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ee gobolka Saraar, ayaa ka warbixiyey hawlgallo nabadgelyada lagu sugayo oo ay ka sameeyeen deegaanka Guumays oo ka tirsan gobolkaas, halkaas oo ay ka dhacday Shaqaalo laba Malleeshiyo-beeleed dhex-martay oo sababtay dhimashada laba Ruux, halka ay Lix qof oo kale ku dhaawacmeen.
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saraar Gaashaanle Axmed Daahir, ayaa isagoo ku sugan deegaanka Guumays ee ay Ciidammadiisu ka hawlgaleen ka warbixiyey sida wax uga dhaceen iyo sida ay Ciidanka Ammaanku uga hawlgaleen, waxaanu sheegay inay tiro dad ah kiiskaas u qabteen oo ay Ciidanku gacanta ku dhigeen, isla markaana ay dadweynaha deegaanku si weyn u soo dhaweeyeen hawlgallada Amni ee Ciidanka Booliska Saraar.
Warbixinta Warkan oo dhammaystiran iyo waxa uu Taliyaha Booliska gobolka Saraar ka yidhi halka ay wakhtigan wax u marayaan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-