|

Taariikhda Islaamka: Qaybtii Afraad.

 

Khaalid Foodhaadhi Suxufi Qoraa Ah

Khaalid Foodhaadhi
Suxufi Qoraa Ah

Boqorkii lixaad ee boqoradii umawiyiinta: waxa uu ahaa waliid binu cabdimaalik, xukunka waxa uu hayay toban sano sanadkii 86_96 hooyadiis waxa la odhan jiray Walaada bintu cabaasa. waxa tariikhyahanadu isku raaceen Waliid binu cabdimaalik in uu ahaa boqorkii ugu daagalo badnaa. waxa la sheegaa xilligiisii in ay dawladu gaadhtay meeshii ugu sarreysay. waxa mid ahaa raggii dowladda kala shaqeeyay Maxamed binu qaasim waxa uu furtay dhulka maanta looyaqaan Hindiya.

Qutayba binu muslim waxa uu furtay dhulka bilaadu munawara nahri oo hadda looyaqaano Kasaakhistaan sidoo kale Qutayba waxa uu furtay khurasaan , khawarismi ,bukhaara ,samarqandi waxa uuna gaadhay Qutayba dalka Siin ama China agagaarkiisa magaalooyinkaas waxa kasoo baxay dad taariikhda caan ku ah waxa ka mida Imaamu Bukhaari, Imaam Alkhawarismi, dhakhtarkii waynaa ee muslimka ibnu siinaa. waxa sodoo kale xilligiisi lafurtay dhulka Andalus ee maanta la yidhaahdo Spain iyo purtuqaal dad badan oo muslimiina ayaa aqoon u lahayn in spain iyo portugal ay dhul islaam ahaan jireen waxa la sheega in islaamku ka talinayay sideeed qarni waxayna furteen magaaloyinka ishbiliya ,dhanja qurduba, qarnada….

waxay dawladii umawiya xilligaas noqotay boqortooyadii ugu waynayd ee islaamka soomarta . sidoo kale waxa uuu muhiimada saaray dhismaha. waxyaabaha mucjisada ah ee waliid qabtay waxa ka mid ahaa jaamic al amawi oo lagu daro cajaa’ibka dunida illaa hada waa masjid wayn waxa uuna ku yaala jaamic al amawi dimishiq . waliid binu cabdi almalik waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ooo isbitaal sameeya tariikh. waxa uuna sameeyay cusbitaal ay leeyihiin dadka maskaxda ka jirran. Illaahay ha u naxariisto Waliid binu cabdialmaalik. waxa uu geeriyooday sanadkii 96 magaalada dimishiq da’diisu waxay ahayd 48 sano

 

Boqorkii todobaad ee boqoradii Umawiyiinta: waxa la odhan jiray Sulaymaan Binu Cabdimaalik, waxa uuu xilka qabtay 96_99 waxa uu ka mid ahaa boqoradii ugu cadaalada badnaa Umawiyiiinta. xiligiisii meelihii la furtay waxa ka mid ahaa dhabaristaan, jarjiix. waxa uu sidoo kale diyaariyay ciiidamo qustantiiniya ku duula waxa uuna go’aansaday in aan laga soo noqon illaa la furto meeshaas, laakiin geeridiisii ayaa kasoo horumartay waxa uu ku dhintay daabiq oo waqooyiga xalab kutaala . waxa uuna geeriyooday sanadkii 99hijrida bishii safar.

………………………………..lasoco qaybaha danbe

 

W/Q: Khaalid Ismaaciil Cabdurraxmaan (Foodhaadhi)

Hargeysa,Somaliland

Email:Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

Comments are closed