|

Madaxweynaha Cusub Ee Maamul-goboleedka Galmudug Oo Farriin Adag u Diray Dhiggiisa Puntland Oo Dhawaanahan Cabanayey

Cadaado:Jully,04,2015(SDN/QJ)-Kadib markii saacado ka hor la dhaariyey Madaxweynaha cusub ee  Maamulka Galmudug Md Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, ayuu jeediyey Khudbad uu waxyaabo badan kaga Hadlay, isla-markaana maamulka Puntland farriin ugu diray.

Cabdikariin Xuseen Guuleed WAGSOMALIYAMudane CabdiKariin Xuseen Guuleed ayaa ugu horen u mahad celiyay Musharixiintii la tartantay waxa uuna sidoo kale u Mahad Celiyay Xildhibaanadii Baarlamaanka Galmudug ee maanta codkooda ku taageeray una doortay Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa Maamulka Puntiland ka codsaday in ay soo dhaweeyaan Maamulkiisa ayna la shaqeeyaan, waxa uuna u balan qaaday Maamulkaasi in ay si wanaagsan oo walaaltinimo ku jirto ula shaqeyn doonaan wax dhib ahna aanay dhankooda uga iman doonin.

‘”Walaalaheena Puntland ee jaarka nahay ma qabno in shar iyo dhibaato ay xageena uga iman doonto,taa badalkeeda waxa ay naga heli doonaan Xidhiidh wanaagsan, iskaashi dhinacyo kala duwan leh, waxaan diyaar u nahay in aan gacmaha is qabsano oon wada shaqeyno isna kaashano Maamulka Puntiland’’ Ayuu Yidhi Madaxweynaha Galmudug.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in maamulkiisu uu diyaar u yahay in ay la fadhiistaan Maamulka Puntland ayna kawada hadlaan wax walbo oo mad madow ah ee jira wax walbana wadahadalo lagu dhameeyo.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahad celiyay Ururka Ahlu Sunna Waljameeca doorkii ay ka qaateen nabada iyo Hormarka Gobolada Dhaxe, waxa uuna ku amaanay difaaca deegaanada ay ka taliyaan.

Waxa uu Sheegay Madaxweynaha in ay soo dhaweenayaan Maamulka Ahlu Sunna ayna diyaar u yihiin in wax walbo ay tabanayaan wadahadal lagu dhameeyo ayna qeyb weyn ka noqdaan Maamulka Galmudug.

Waa uu balana qaaday Madaxweynaha cusub ee Galmudug in gogol u dhigayaan ayna wadahadal la galayaan Ururka Ahlu suna wal jameeca si loo dhameeyo wax walbo oo tabasho ah ay qabaan Ururkaasi.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed