|

Sucuudiga Oo Oggolaaday Inay Dalkiisa Ka Hawlgalaan 4000, Oo Shaqaale Reer Djibouti ahi

Riyad:Jully,04,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Sucuudiga, ayaa si rasmi ah u oggolaaday inay dalkeeda ka Hawlgalaan Afar Kun oo shaqaale u dhashay waddanka Djibouti, kadib markiiĀ  labada dalĀ  heshiis dhawaan wada gaadheen.

jerreDiaa Eddin Saeed Bamakhrama oo ah Safiirka Dalka Sucuudiga u fadhiga dalka Jabuuti, ayaa sheegay in shaqaalahaasi ay ka koobnaan doonaan, haween guryaha ka shaqeeya, darawalo iyo shaqaale kale, islamarkaasina oggolaanshahoodu ay ku timid heshiis ay labada dhinac wada gaadheen.

Safiirku waxaa uu sheegay in shaqaalaha reer Jabuuti aan looga baahnayn inay bartaan luuqadda Carabiga maadaama luuqadda dadka reer jabuuti ay xoogaa carabiga isku dhow yihiin, balse waxaa uu sheegay in shaqaaluhu inta aanay tagin dalka Sucuudiga ay mari doonaan Baadhitaan caafimaad.

Boqortoyada Saudi Arabia ayaa la saxeexatay heshiis ay shaqaale dhinaca shaqaalaha ah wadamada Djibouti iyo Niger horaantii bishan kulankii 104-aad ee Ururka Shaqaalaha Adduunka. Sidoo kale Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa heshiis kan la mid ah la saxeexatay waddamada Philippines, Sri Lanka, Indonesia, Nepal, India, Bangladesh iyo Pakistan.

Sucuudi Carabiya ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxa ay ka saaraysay muwaadiniin badan oo Soomaali ah dalkeeda. Kumanaan dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kadib markii laga soo tarxiilay Sacudi Carabiya.

Heshiiskan cusub ayaa Dadka reer Jabuuti oo tiradoodu aad u yar tahay waxay u noqon kartaa fursad dhaqaale abuur maadaama dalka Sucuudiga dadyowga u shaqo taga ay dhaqaale fiican ka sameeyaan.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed