|

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo Shaacisay in Dakhli u dhigma kii Badeecadaha Yemen ka soo geli jiray ay hesho DAAWO

Hargaysa 04.July 2015 (SDN/QJ)-  Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in Dakhli u dhigma kii ka soo geli jiray Badeecadaha laga soo dhoofin jiray waddanka Yemen uu dalka ka soo galo ila-dakhliyeed kale oo kala duwan oo ay ka mid yihiin Badeecado dibedda ka yimaadda oo dib loogu dhoofiyo Yemen, kuwaasoo ka gudba Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland.

Sidaa waxa Sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye oo Shir-Saxaafadeed uu ku qabtay Xafiiskiisa Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inaanu werwer ka qabin hoos u dhac ku yimaaddo oddoros-miisaaniyadeedka sannadkan 2015-ka oo ay hore Masuuliyiinta Wasaaraddaasi u sheegeen in saamayn badan oo dhaqaale uu Somaliland ku keenay dagaalka ka socday bilihii u dambeeyey dalka Yemen.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye, Warbixinta Warkiisan oo uu sidoo kale kaga hadlay Shaqaale la sheegay in laga joojiyey Shaqada iyo kuwo gunnooyinkii ay Masuuliyiinta Wasaaraddu ka jareen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

Comments are closed