|

Markab sida in ka badan 3000 qaxooti oo kusoo xidhay dekedda Boosaaso

Boosaaso, 3july,2015(QJ/SDN)-In ka badan 3500 qaxooti isugu jira Soomaali iyo Yemaniyiin ayaa soo gaadhay degmadda magaalada Boosaaso shalay gelinkii danbe, kuwaasi oo kasoo cararay dagaalada ka socda dalkaasi Yeman.
Markab sida qaxootigan oo kasoo ambabaxay dekadda Mukalla ayaa waxay ku qaadatay inuu soo gaadho dekadda Boosaaso dhowr maalmood sababo la xidhiidha badda oo aan deganeyn

.qaxooti-yeman-1 qaxooti-yeman-3

Qaxootigan ayaa u badan Haween, Caruur iyo dhalinyaro, iyadoo ay ku jireen dad waayeel ah oo cuduro kala duwan qaba.

Dadka xaaladoodu liidatay ayaa la geeyay xarumaha caafimaadka si gargaar loogu fidiyo.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku sugan qaxooti fara badan, iyadoo in badan qaxootiga Yeman u dhashay dib u dejin loogu sameeyay degmada Qardho ee gobolka Karkaar.

yem-qaxooti

 

Comments are closed