|

Prof. Axmed I. Samatar Oo Wakhti Lumis Ku Tilmaamay Muddo-kordhinta Guurtidu u Sameeyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Kana Hadlay Mansabka Siyaasadeed Ee Uu Somaliland Ka Rabo

Hargeysa:Jully,03,2015(SDN/QJ)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa markii ugu horraysay Ka Hadlay dibu dhaca ku yimi doorashooyinkii madaxtinimo ee dalka ka dhici lahaa  badhtamaha sanadkan aynu ku jirno, waxana uu saluug ka ka muujiyey  muddo-kordhintii ay Guurtidu samaysay oo uu ku tilmaamay mid wakhti lumis ah.

axmed ismaaciil samatarProf. Samatar oo dalka maraykanka ku sugan, una warramay qaar kamid ah warbaahinta, ayaa ku adkaystay in muddo-kordhintu tahay waxyaaha baahida weyn loo qabo inay somaliland ka tallowdo si waxa adduunka kaga maqan ay u hesho,

“waxan idhaahdaa Anigu haddaan somaliland madax ka ahaan  lahaa maalinta la i  doorto waa inaan bilaabaa shaqada maalinta la i beddeli doono ee wakhtigaygu dhammaado doorashadii la geli lahaa. Markaa inay Doorashadu geb-geb gasho wax loo baahnaa ma aha, waanna waxyaabaha la doonayo inaynu ka adkaano si aynu u xoojinno dooddeenna ah adduunyadu inay ina garato.” Ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.

Profaysarku waxa uu hoosta ka xarriiqay in wixii Guddida Doorashooyinku qoondeeyeen muddada ka Badan ee Guurtidu ku dartay tahay mid aan loo baahnayn oo laga maarmi karayey, waxana uu yidhi,

“Haddii doorashadii suurtoobi weyday oo komishankii loo saaray yidhaadheen sanad hallagu daro, haddana Guurtidii yidhaahdeen halla kordhiyo, haddana doodo badani ka dhaceen. Ma garanayo sababta guurtidu muddadaas ugu darayso, kolba halla kordhiyo oo hallagu daro ama laba bilood ha ahaato ama saddex bilood ha ahaatee annigu waxan qabaa inay khasaare uun keenayso, Guddigu waxaas ay garatay ee la isla gartay wixii dhaafsiisan looma baahna, imikana waxa ay ahayd in la galo arrimihii farsamo umadduna qof waliba uu codkiisa dhiibto isagoo qalbigiisu deggen yahay ayaa inagu wanaagsanayd.”

Axmed Ismaaciil Samatar oo ka jawaabayey waxa uu somaliland ka Helay tan iyo wakhtigii uu beddelay Mabda’iisii siyaasadeed, ayaa jawaabtan xiisaha leh bixiyey,

“Somaliland waxan ka helay waxa ugu wanaagsan ee bani’aadam helo oo ah dadkaagii oo aad isfahamteen oo aan qabiil kuu eegayn, meel allah meel aanan marin  oo somaliland ah oo aan si casiisnimo ah la iiga soo dhaweyni ma jirto.” Ayuu yidhi Prof. Samatar.

Isagoo Hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray,“waxa isasoo galay somaliland dadkeedii oo u baahan inay dadkii halkaas u dhashay ay soo dhaweeyaan iyo ta labaad  oo ah jacayl aniga igu aasnaa oo aan soo faqay, markaa labadaas jacayl baa isa soo galay.”

Su’aal nuxurkeedu ahaa Mansabka uu doonayo inuu somaliland ka qabto ee uu ku hammiyayo, ayuu Axmed Ismaaciil Samatar ka bixiyey jawaab uu ku muujiyey rabitaankiisa la xidhiidha inuu madaxweyne Noqdo, balse shuruudo badani jiraan, waxana uu yidhi,“aniga somaliland uma diyaar ahi inaan dan yar oo shakhsi ah ka raadsado inaan madaxweyne somaliland uga tartamaana  wax cusub iguma noqonayso, waxanse odhan karaa anigu lexejeclo weyn baan ka qabaa reer somaliland, laakiin waxan qabaa waa inay is waafaqaan waxa ay dadku doonayaan iyo waxa aan isleeyahay waan qaban karaa. “

Waxa uu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar qiray in somaliland booqashadeeda dhiiggiisu usoo riyaaqayo, isla-markaana uu dhawaan safar ku iman doono,“Somaliland iyo dadkeeduna waxay ii noqdeen sida irbaddii la isku mudayey markaa haddii aan in muddo ah ka maqnaado jidhkayga iyo maskaxdaydu way gartaan in la gaadhay xilligii somaliland la tegayey.” Ayuu yidhi Professor-ku.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed