|

Khubaro soo saartay Liiska Dadka Dunida Ugu Wahsiga Badan Iyo Somalida Oo Meel Hoose Ka Gashay

Hargeysa:-Jully,03,2015(SDN/QJ)-Khubaro cilmi-nafsiga ku xeel dheer oo kasoo kala jeedda Dalalka Britain, Shiinaha, Faransiiska iyo Jarmalka, ayaa daraasad ay si wada jir ah u sameeyeen lagu ogaaday dadka adduunka ugu wahsiga badani dalalka ay ku nool yihiin, iyadoo soomaaliduna ka galeen meel hoosaysa.

lazDaraasada ayaa waxaa lagu sheegay in inta badan shucuubta caalamka ay yihiin kuwo kawada siman wahsiga balse ay sii kala daran yihiin, waxaana xusid mudan in Qaaradaha Africa iyo Aasia ay kaalmaha koowaad ka galeen wahsiga halka kuwa kalena ay ka yihiin wadamo kale.

Waxa Xusid mudan in dadka soomaalida ahi meel hoose ku jiraan dhinaca wahsiga marka loo eego dhiggooda ku nool dalal badan oo qaaradda Afrika ku nool.

 

Liiska dalalka ay dadkiisu ugu caajiska badan yihiin ayaa waxaa kamid ah:-

1-  Sudan 84%

2- Koonfurta Sudan 60%

3- Nagiria 30%

4- Yemen 50%

5- Angola 45%

6- South Africa 20%

7- Libya 10%

8- Somalia 15%

9- Indunisia 40%

10- Shiinaha 60%

11- Pakistan 35%

12- Sacuudiga 20%

13- Qadar 5%

14- Kuwait 30%

15- Ciraaq 55%

16- Faransiiska 10%

17- America 25%

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed