|

Wakiillada Somaliland oo Shir ka Yeelanaya Dhaawacyo Madaxtooyada loogu gaystay Xildhibaan Xasan Cawaale & Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Goob joog ahaa DAAWO

Hargaysa 03.July 2015 (SDN/QJ)- Md. Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo askar la socotay ay ku dhex garaaceen qasriga Madaxtooyada, isla markaana goobta lagu dhibaateeyey uu joogay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde.

Xasan CawaaleMd. Xasan Cawaale Caynaan  waxa uu tilmaamay in la dhigay cusbitaal ku yaal Hargeysa, xannuunna ka dareemayo dhinaca wadnaha.

Horta xaalad culus ayaa igu dhacday oo dhaawac ayaa iga gaadhay dhinaca wadnaha, waxaannu dhakhtarku ii sheegay in xidid wadnaha ah guntamay, kadib jugtii feedhka iga soo gaadhay, ilaa haddana waxa aan ku jiraa cusbitaalka,” ayuu yidhi Md. Caynaan.

Waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey sida uu u dhacay falka weerarka ah ee lagula kacay, waxaannu yidhi; “Annagoo madaxtooyada galnay, ayaa waxa dhacday in Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde oo isna ku sugnaa madaxtooyada uu ku xaqaanay xildhibaan ila socday oo la yidhaah Md. Xaamud, kadibna inta uu naga tagay wasiir Warancadde ayey askarta Ilaalada Madaxtooyadu qabsadeen xildhibaanka ila socday oo ay tukhaantukhiyeen, markaas ayaan u sheegay in ninku yahay mudane ka tirsan Golaha Wakiillada, waxaanan ku idhi; ‘waar hadidaada ka daaya xildhibaanka.’ Balse nasiib-darro askartii ayaa tegay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, waxaanna dhacday in isagoo ordaya oo askar kale wata uu noo yimi, waxaannu igu yidhi; ‘maxaad askarta sidaas ula hadlaysaa.’ Kadibna anniga oo aan ka jawaabin hadalkiisa ayuu labadiisa gacmood oo sida feedhka u duuban uu igaga dhiftay wadnaha, dib ayaanan u dhacay, waxaanna igu soo yaacay askartii kale oo mid waliba wax igu dhuftay. Mid I dhirbaaxa iyo mid wax kale igu dhuftaba, waxaanna na loo gaystay jidh-dil iyo dhibaato fool xun.”

Md. Xasan Cawaale Caynaan, ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin cid madaxtooyada ka tirsan oo xidhiidh kala soo samaysay falka taliyaha ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu kula kacay, balse waxa uu tilmaamay in ilaa shan mudane oo xilligaas ku sugnaa madaxtooyadu ay ka qabteen askarta dhibaatada kula kacay.

Dhinaca kale, xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo ka mid ah Golaha Wakiillada oo ah mudanaha wehelinayey Xasan Cawaale ee marka hore hadidaada loogu gaystay madaxtooyada, ayaa Wargayska Jamhuuriya oo aanu Warkan ka soo xiganay u sheegay Habeenkii xalay in guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilladu shir ka yeelan doonaan sidii looga jawaabi lahaa tacadiga iyo dhibaatada loo geystay.

Muraad aannu u lahayn Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaannu marka hore u tagnay madaxtooyada, laakiin markii aannu dhamaysanay muraadkayga, ayaanu aragnay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo faraha igu soo fiiqaya, oo weliba hadalna raacinaya, balse xildhibaan Xasan Cawaale ayaa askarta u sheegay in aan ahay mudane ka tirsan Golaha Wakiillada oo la iga daayo hadidaada, waxaanna dhacday in Taliyaha ciidanka Ilaalada ah uu ka cadhooday hadalkaas, waxaannu xildhibaanka feedh kaga dhuftay laabta oo dhinaca naaska hoostiisa ah,” ayuu yidhi Md. Xaamud, isagoo intaas raaciyey; “Waxaanna dhacday in markiiba askarta oo badan ay dhibaatooyin gacan-ka-hadal ah u gaysteen xildhibaanka oo mid waliba wax ku dhuftay, waxaanna gaadhay dhaawac loo dhigay cusbitaalka.”

Md. Xaamud, ayaa sidoo kale sheegay in goobta lagu dhibaateeyey xildhibaanka ay joogeen wasiirro xukuumadda ka tirsan oo uu ka mid yahay Wasiirka Daakhiliga Md. Cali Maxamed Warancadde, isla markaana aanay wax tallaabo ah qaadin taliyaha iyo askarta dagaalka kula kacay Md. Xasan Cawaale.
“Falkaas foosha xun maaha mid aannu sidaas ku dhaafi doono, waxaanan doonaynaa in aannu shir ka yeelanayo maalinta Sabtida haddii Ilaahay yidhaah, iyadoo aannu soo saari doono go’aan lagula xisaabtamayo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo cidda kale ee arrintaas ka dambaysayba,” ayuu yidhi Md. Xaamud Cismaan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed