Mid ka Mid ah Maalqabeenada Qoyska Boqortooyada Sucuudiga oo 32 Bilyan oo dollar Sadaqo u bixinaya
Riyad 03.July 2015 (SDN/QJ)- Maalqabeen oo ka tirsan qoyska Boqortooyada dalka Sucuudiga, ayaa ballanqaaday inuu hanti dhan $32 bilyan oo dollar u bixinayo sadaqo ahaan.
Ninkan oo la yidhaa Amiir Al-waleed Bin Talal, ahna bilyaneer hanti badan haysta, ayaa sheegay in lacagta qaadhaanka ah ee uu bixinayo ugu talogalay in lagu maalgeliyo mashaariic kor loogu qaadayo horumarinta da’yarta, xoojinta awoodda dumarka, gargaarka masiibooyinka dhaca, horumarinta bulshada iyo in la abuuro duni isku dul-qaadata oo is aqbali karta.
“Qaadhaanka aan ugu talogalay in aan sadaqo u bixiyo, waxa loo samayn doonaa qorshe si fiican loo dejiyey oo la hirgelin doono sannadaha soo socda, iyadoo aanay waqti xadidan lahayn xilliga la isticmaalayo kaalmadan aan bixinayo,” ayuu yidhi Amiir Al-waleed bin Talaal oo soo saaray hadal qoraal ah oo uu ku shaaciyey qaadhaanka uu bixinayo shalay.
Sida lagu baahiyey boga internet-ka ee telefishanka Al-jazeera oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, waxa Amiirku caddeeyey inuu samayn doono guddi sare oo uu hormuud u yahay, kaasoo ka shaqayn doona sida loo adeegsanayo iyo qaabka loo bixinayo hantida uu sadaqada u bixinayo, gaar ahaan sidii xoogga loo saari lahaa mashaariicda bani’aadanimo ee degdeg ah.
Amiir Al-waleed bin Talaal, ayaa sidoo kale shir-jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inuu ku dayday sanduuqa qaadhaan ee ay sameeyeen taajirka Maraykanka ah ee la yidhaah Bill Gates iyo qoyskiisu, kaasoo uu xusay in lagu caawiyo dad badan oo ku kala nool daafaha dunida.
Maalqabeenka la yidhaah Amiir Al-waleed bin Talaal, ayaa mashaariic badan oo dhinaca maalgashiga ka fuliyey dalal badan oo adduunka ah, isagoo meelo badan ku leh hanti qaali ah, waxaannu hadda wadaa qorshe uu magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga kaga dhisayo fooq ama dhisme dhererkiisu ka badan yahay hal killomitir, kaasoo noqon doona dhismaha ugu dheer caalamka.
Riyad SDN/QJ