Aas Qaran oo Hargaysa loogu sameeyay Sadex Xubnood oo Shil Baabur Shalay Ku Geeriyooday DAAWO
Hargeysa 29.June 2015 (SDN/QJ)- Alla ha u naxariistee si heer Qaran ah ayaa loogu aasay Qubuuraha Naasa-hablood ee duleedka magaalada Hargeysa saddex Marxuum oo ku geeriyooday Shil Baabuur oo Axaddii ka dhacay jidka isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kuwaasoo kala ahaa Weriye iyo laba Sarkaal.
Saddexdan Marxuum ee Aaska Qaran loo sameeyey, waxay kala ahaayeen Illaahay ha u naxariistee Marxuum Maxamed Daa’uud Yuusuf oo ahaa Sawir-qaade ka hawlgali jiray Horn Cable TV, Weli Daa’uud Cigaal oo ahaa Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Muuse Cabdi Haybe oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska, isla markaana ka mid ahaa illaalada Wasiirka Maaliyadda Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Sayici), Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Shir-guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka, Xildhibaannada iyo Maamulka dawladda hoose ee Hargeysa, Taliyeyaasha Ciidammada, Ehelada saddexda Marxuum, Bahda Saxaafadda iyo Dadweyne Tiro badan.
Masuuliyiinta iyo dadweynaha kala duwan ee ka qaybgalay Aaska saddexda Marxuum Isniintii shalay loogu sameeyey Xabaalaha Naasa-hablood, ayaa Illaahay uga beryey saddexda Marxuum inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Ciidanka Booliska, Wasaaradda Maaliyadda, Warbaahinta Somaliland, gaar ahaan Horn Cable TV iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay, oo ay ka tacsiyadeeyeen geeridaas naxdinta lahayd.
Waxay aad ugu duceeyeen saddexda Marxuum oo ay sheegeen inkastoo geeri naxdin leh ay geeriyoodeen, in haddana ALLAAH ku soo beegay inay dunida ka baxaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay ku soo beegmeen bilawga tobanka dhexe ee dembi-dhaafka ah, iyagoo ALLAAH ka beryey inuu cawil khayr qaba ka siiyo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Hay’adaha ay ka tirsanaayeen iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland ee ay ka baxeen saddexda Marxuum.
Bahda Qurbejoog.com waxay guud ahaan Tacsi taas la mid ah u dirayaan Qoyska, Ehelada, Asxaabta, Qaraabada, Hay’adaha ay ka hawlgeli jireen iyo Qaranka Somaliland, waxaanannu Allaah uga baryeynaa inuu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, saddexda Marxuumna Naxariistiisa Janno ka waraabiyo Insha ALLAAH.